Hargeysa(ANN)-Mudaharaadyo salka ku haya cabashooyin ka taagan Jaamacadda Hargeysa ayaa saaka ka dhacay duleedka dhismaha jaamacadda. Kadib markii ay kooxo dhalinayaro ah oo ay hogaaminayaan qaar ka mid ah Ardayda jaamacaddu xidheen wadada laamiga ah ee

 

xaafadda Pepsiga oo tagta Jaamacada oo ku taal dhinaca Koonfureed ee magaaladda Hargeysa.
Dhalinyarda mudaharaadka samaysay ayaa ku sababeeyay cabashada mudaharaadkooda maamulka cusub ee uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu magcaabay si ku meel gaadh ah guddoomiyaha Jaamacadda  Muuse Cabdi Aadan, si mudadaa loo sameeyo xeerar iyo nidaam dhinaca maamulka Jaamacadda ah. Kadib markii uu is casilay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen C/llaahi Bulxan, iyadoo is casilaada guddoomiyuhu daaha ka fayday khilaaf huursanaa oo ka jiray maamulka Jaamacadda, balse hadda debeda usoo baxay.
Ardayda mudaharaadka dhigay oo  cabashooyin ka bixiyay masuulliyiinta madaxweynuhu magacaabay oo ay sheegeen inaanay aqoon hoggaamineed oo dhinaca jaamacadda ah lahayn, waxayna diideen  inay galaan fasallooda, isla markaan waxay la soo baxeen boodhadh ay ku soo qorteen hal-ku-dhegyo ka dhan ah maamulka jaamacadda, kuwaas oo uu ka mid ahaa, ‘Aqoontu ha noqoto xulashada kowaad’.

Ciidamadda amaanka ee Bilayska ayaa mar danbe tegey goobta   dhalinyaradda iyo Ardayda mudaharaadsay ku sugnaayeen, iyadoo mudaharaadku sababay in gebi ahaanba waxbarashaddii iyo hawlihii Jaamacaddu hakad galaan. Kadib markii ay u diideen inay maamulka iyo macalimiintu galaan gudaha Jaamacadda iyo fasalada.

Balse Ciidamada halkaa tegey ayaan  wax hawlgal ah ku qaadin ardayda, kuwaas oo dusha kala socday mudaharaadkooda oo ahaa mid salmi ah oo aan wax dhibaato ah wadan. Waxaana markii dambe halkaasi tagay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, ahna ku simaha Wasiirka, Agaasimaha Tacliinta sare iyo saraakiil kale.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ardayda kula hadlay jaamacadda horteeda, ayaa ugu baaqay inay joojiyaan mudaharaadkooda oo ay is dejiyaan, isla markaana ay cabashooda dib u eegayaan.

Mudaharaadkaas ayaa markii dambe ku soo gebogaboobay si nabad ah, waxaanay ardayduna kala tageen guryahoodii iyagoon haba yaraatee qaadan waxbarasho.

Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaamud oo maanta gelinkii dambe warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in mudaharaadka ardayda oo ka dhashay is fahamwaa la soo afjaray, kadib markii ay kulamo la yeesheen ardayda oo ay u sheegeen sifaha Madaxweynuhu ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee jaamacadda
Sidoo  kale qaar ka mid ah hormoodka Jaamacadda oo maanta ka hadlay arrimahaa ayaa sheegay inay jiraan dad ka danbeeya mudaharaadka Ardayda, balse may tilmaamin cida ay yihiin ee ay ku eedeeynayaan, isla markaana waxay  ugu baaqeen  Ardayda  inay is dejiyaan oo joojiyaan rabshadaha.
Haseyeeshee caawa caweyskii ayaa munaasibad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici,  xarunta Ha’yadda shaqaalaha waxa lagu sheegay in lasoo afjaray murankii iyo khilaafkii ka dhashay maamulka Jaamacada ee sababay inay gebi ahaanba maanta meesha ka baxaan hawlihii maamulka iyo duruustii waxbarsho, iyadoo ay munaasibadaa kasoo xaadireen boqolaal ka mid ah Ardayda jaamacadda, balse waxa aan madasha ka muuqan Ardaydii hormoodka u ahayd mudaharaadkii maanta ka dhacay Jaamacadda. wuxuuna Madaxweyne xigeenku sheegay inay Jaamacaddu furan tahay beri oo ay ardaydu sidoodii u wadanayaan waxbarashadii.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *