Hargeysa(ANN)-Dacwad xasaasi ah oo loo haysto nin jarmal ah oo lagu eedeeyay inuu ku kacay falal dhaqan xumo ah ayaa la filiyaa inay maalinta sabtida 25 Dec, 2010 ka bilaabanto  maxkamadda degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil. Sidaana waxa

shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay ilo wareedyo u dhuun daloola dacwadda loo haysto ninkaa.
Mr. Gunter oo ah Nin jarmal ah mudo dheer ku noollaa Somaliland, isla markaana guursday gabadh u dhalatay Somaliland  ayaa ciidanka Bilaysku horaantii Nov, 2010 u taxaabeen xabsiga. Kadib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay falal dhaqan xumo ah oo ka baxsan shareecada Islaamka, iyadoo eedaymaha lagu sheegay inuu sawiro iyo muuqaalo Video ah, ka qaaday haween Somaliland ah oo qaawan.
Mr. Gunter oo sannadii u danbeeyay sheegan jiray inuu Islaamay oo uu la baxay Magaca C/fataax, wuxuu fulin jiray mashaariic uu ka qaadan jiray Ha’yaddaha, isagoo mashaariicdaa qaarkood ka fulin jiray xaafaddaha dadka saboolka ahi ku baddan yihiin ee magaaladda hargeysa iyo meelo kale. Sidoo kale wuxuu lahaa ganacsi goob lagu farsameeyo khadka Printarka.
Hase yeeshee markii ay dad baddan oo ka mid ah Bulshada oo ninkaa aqoon u lahaa, ama maqlay ku war heleen in xabsiga loo taxaabay iyo falalka lagu eedeeyay, waxay taasi ku noqotay sheeko ka yaabisay, iyadoo dacwadda kiiska oo la doonayay in lagu dhegeysto maxkamadda Degamadda ee Hargeysa laga wareejiyay daba yaaqadii bishii hore. Kadib markii muran dhinaca sharciga ahi ka dhashay awooda iyo derejada maxkamadda kiiskaa qaaday, balse markii danbe loo wareejiyay Maxkamadda gobolka hargeysa, laakiin kiiskaa oo noqday mid xaasaasi ah, isla markaana abuuray saxmad iyo jawi cabsi geliyay dhinaca garsoorka. Kadib markii boqolaal  qof oo doonayay inay wax ka ogaadaan kiiskaa kusoo xoomeen maxkmadda ayaa loo wareejiyay dhinaca degmadda mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil, halkaas oo dhegeysiga dacwaddaasi ka bilaabmay maalinta Sabtida 25/12/2010.
Dacwadda noocan ah ayaa ah mid ku cusub ha’yaddaha garsoorka Somaliland, isla markaana waa mid ay shacbiga intiisa baddani ka war sugayaan waxa ay ku dhamaato iyo halka ay sal dhigaan eedaymaha iyo sheekooyinka soo baxay markii la qabtay Mr. Gunter.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *