“Bilaysku Maaha Inay Dadka iska Toogataan, Waa Inay …”

images/stories/gghghh 2.jpg      Hargeysa(ANN) Masuuliyiinta dawlada Hoose ee hargeysa ayaa kulan la yeeshay maanta saraakiisha Bilayska Somaliland oo uu hogaaminayay Taliyaha ciidanka Bilayska Somaliland Maxamed Sanqadhi Dubad, kulankaa oo ay dhinaca dawlada hoose uga qayb galeen Maayarka Caasimada hargeysa Eng; Xuseen Maxamuud Jiciid iyo ku xigeenkiisa Maxamed C/llaahi Uurcade.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulankaa oo lagu qabtay xarunta dawlada Hoose ee Hargeysa, waxa kaloo kasoo qayb galay saraakiisha ciidanka wadooyinka iyo gudoomiyaha iskaashatada Basaska caasimada, waxayna dhinacyada kulankaa ka qayb galay kaga hadleen sidii loo nidaamin lahaa gaadiidka caasimada oo ay ku jiraan Basasku, iyadoo wadooyinka magaalada caasimadu maalmihii u danbeeyay ahaayeen saxmad.

 

 

 

 

 

 

Maayarka caasimada Eng; Jiciir ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo qorshe iyo nidaam loo sameeyo Basaska iyo tagaasida, isla markaana mar uu ka hadlayay dhinaca baarkinka, wuxuu sheegay in loo baahan yahay wish lagu dalaco gaadhiga la dhigo meelaha aan Baarkinka ahayn ee wadooyinka hareereheeda. Sidoo kale wuxuu maayarku xusay inay lagama maarmaan tahay in lasameeyo gudi ka hawlgala habaynta gaadiidka caasimada iyo sharcigii ay ku shaqayn lahaayeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

Maayar ku xigeenka Maxamed C/llaahi uurcade ayaa isagu ku dooday in aanay Bilaysku ku degdegin inay qofka rasaas la beegsadaan, isagoo yidhi, “maaha inay Bilaysku rasaas ku miidaamiyaan gaadhiga ay ka shakiyaan, nafta qofka ayaa ugu qaalisan waxay samayn karaan waxyaabo kale oo ay ku joojin karaan gaadhiga. Laakiin xalku maaha inaad qofka rasaas iskaga ridaan.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hase yeeshee taliyaha Bilayska Somaliland Sanqadhi Dubad ayaa ku jawaabay, waxa laga yaabaa askarigu inuu ku mashquulsan yahay inuu ilaaliyo amaanka, markaa ay dadkuna iska soo galaan wadooyinka , iyagoo aan fahamsanayn ama aan ka warhayn.

Kulankaa ayaa saraakiisha Bilayska iyo masuuliyiinta dawlada hoose isla qaateen inay qorshaha saxmada gaadiidka ee wadooyinka caasimda lagu yaraynayo ay maantaba bilaabaan, iyadoo maanta duhurkii ay hawshooda saraakiisha Bilayska oo uu hogaaminayo Taliyaha Bilaysku hawshooda ka bilaabeen wadada togdhee, halkaas oo ay wadooyinku saxmad ahaayeen xiligaa, balse markii ay ciidanka wadooyinka ee halkaa joogay caawiyeen ay fududaatay saxmadii wadada oo xiligaa gaadiid afarta jiho ka yimi xanibee.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *