Hargeysa(ANN)Sirdoonka Somaliland ayaa baadhitaanno ku haya laba nin oo u dhashay dalka Eratariya oo toddobaadkan ciidammada ammaanku ku qabteen madaarka magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay maleegayeen falal argagixiso oo wax loogu dhimayo

ammaanka dalka.

Sidaana waxa ku dhawaaqay taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo markii u horreysay shalay faahfaahin ka bixiyey rag ciidammada ammaanku Jimcihii toddobaadkan ka qabteen madaarka Hargeysa, isagoo xusay in raggaas lagu tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagaxisada ah, isla markaana ka shakisan yihiin inay falal ammaan-darro u socdeen.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ragga la qabtay ay yihiin laba nin oo u dhashay waddanka Eratariya oo aanay ahayn Soomaali ama reer Somaliland.

“Ciidamada boolisku waxa ay dorraad (Jimcihii] ka soo qabteen madaarka laba nin oo sheegtay in ay ka soo jeedaan Ereteriya, waxana loo gudbiyay oo ay hadda ku sugan yihiiin xarunta ciidanka dambi-baadhista CID-da, meesha ay ka yimaaddeen iyo qorshahoodii oo dhanna waxa baadhaya ciidammada sirdoonka, natiijadooduna dhawaanba way kala caddaan doontaa waxay u socdeen iyo waxa ay yihiinba… Nimankaasna shaki wayn ayaa naga haya inay dadkaa falalka kala gedisan u socda yihiin.” Sidaa waxa yidhi taliyaha booliska oo saxaafadda ugu warramayey shalay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha.

Cilmi Rooble Furre (Kabaal) waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidanka boolisku yihiin kuwa ugu shakiga badan ee mar walba dhegtu taagan tahay, maadaama ay u xilsaaran yihiin ilaalinta ammaanka, “Sidaad ka warhaysaan ciidammada boolisku waa kuwa ugu shakiga badan, markaa inay mar walba dhegtu ku taagnaataa waa mid meesha taal, annaguna waxaannu mar walba xil naga saaran yahay sidii aannu ammaanka dalka u sugi lahayn.”

ciidamada amaanka ayaa marar badan qabtay dad looga shakiyay inay falal argagixiso doonayeen inay ka fuliyaan Somaliland, ama lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha xagjirka ah, Waa markii u horreysay ee ciidammada ammaanku  qabqabtaan dad u dhashay dalka  Erataria , kuwaasoo looga shakisan yahay inay maleegayeen falal lagu waxyeellaynayo ammaanka iyo xasilloonida Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *