Ohiyo(ANN)Ciidamadda Amaanka ee dalka Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabay Hogaamiyaha kooxda nabad-diidka ah ee  Buuhoodle SSC, kaas oo lagu magcaabo Saleebaan Axmed Xaglatoosiye. Kadib marii Ciidamadda amniga qaranka Maraykan ee loo soo gaabiyo FBI-da

(Federal Bureau Of    Investigations) oo muddooyinkii ugu danbeeyayba ku daba-jiray, Islamarkaana baadhis ku hayay ninkaa iyo koox uu ku jiro ay xalay u taxaabeen xabsi ku yaala magaalada Colombus ee gobolka Ohio. ka dib, markii sidda wararku sheegayaan  ay u cadaatay ciidamadda inuu  falal argagixiso oo hore loogu eedeeyay ku jiro.
Ciidamadda baadhista danbiyadda ayaa laga soo wariyay in Xaglatoosiye oo hor-jooge u ah Maleeshiyadda SSC oo ka hawl-gasha deegaanka Buuhoodle ee Somaliland, loo haysto inuu dhalinyaro Maraykan ah ka dagaal geliyay gobolka Geeska Afrika. kuwaasoo qaar badan oo ka mid ahi ku dhinteen. siddoo kalle, waxa la sheegay in Saleebaan Xaglatoose danbiyadda loo haysto ay ka mid-tahay inuu qaadhaan dhaqaale oo abaabulan dalka Maraykanka uga ururiyay kooxo argagixiso ah iyo inuu qayb muhiim ah ka yahay dagaaladda ka oogan Gobolka Geeska Afrika.
Saleebaan Xaglatoosiye iyo dadka lala xidhay ayaa warku tilmaamay inay dhamaantood haystaan dhalashadda wadanka Maraykanka. iyadoo intii baadhista arintani socotay uu Xagla-toosiye ku xayirnaa wadankaa.
Xeer ilaalinta magaalada Colombus ayaa ka gaabsatay inay arrintan ka hadasho, waxase wararku tilmaamayaan in Saleebaan inta kiiskiisu ka socdo maxkamadda aanu si fuddud uga soo bixi karrin Jeelka, marka laga reebo in lacag badan lagu damiinto. iyaddoo aan loo ogoleyn inuu ka soo baxo Maraykan.
Hore ayaa Xaglatoosiye ay xabsiga u dhigeen Dawladaha Kenya iyo Imaaraadka Carabtu kuwaasoo ku tuhmay sidoo kalle falal ka dhan ah amaanka iyo arrimo argagixiso.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *