Hargeysa(ANN) Qarax Bam ayaa lala beegsaday saaka  barqadii  badhtamaha suuqa ugu saxmada baddan ee magaalada Hargeysa, waxaana dhaawac soo gaadhay ilaa 18 qof oo intooda baddan loola cararay Cusbitaalka weyn ee hargeysa. Qaraxa ayaa ka danbeeyay

 

Kadib markii Nin la rumaysan yahay inuu Maskamaxda  ka xanuunsanayo uu Bambo  gamceed ku qarxiyay suuqa badhatamaha magaalada hargeysa ee Xero Hadhuudha dhinaca wadada laamiga ah ee tagta Biriishka oo  ah goob  u dhaxaysa dhismayaasha  labada  Fooq  ee Geele Arab iyo Ilama Indha Deero.  Qaar ka mdi ah dumarka ku iibiya halkaa Hadhuudhka iyo dadka kale ee ganacsatada yar yare ee wadada hareereheeda  ayaa u sheegay weriye ka socday shebekada Araweelonews oo goobta tegey inay xiligaa saxmad ahayd wadadu, isla markaana ay dhaawacyo fududi soo gaadheen ilaa dhawr iyo tobon qof, kuwaas oo  u badnaa dadkii wadada marayay oo markaa ka dib cusbitaalka loola cararay,  balse dadka  qaar ayaa sheegay in qaraxyadii firidhka intooda badani galeen gaadhi Dayne ah oo xiligaa wadada  marayay, taas oo yaraysay inuu halkaa ka dhaco kashaare  intaa ka baddan.
Taliyaha Bilayska Somaliland iyo saraakiiisha Cusbitaalka guud ee Hargeysa  Ninka qaraxa sababay ayaa ahaa mid dhinaca maskaxda wax uga dhinaayeen oo ka mid ah boqolaal qof oo ku dayacan suuqyada magaalada hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somalilandba, waxaana isaga laftiisa soo gaadhay dhaawac halis ah, iyadoo uu ka mid noqday dadka Cusbitaalka la geeyay ee lagu dawaynayo, balse Taliyaha Bilayska Somaliland Cilmi Rooble Fure ayaa sheegay inkasta oo uu xanuunsanayo Ninka Bamka tuuray inay hadana boolisku baadhayaan in la adeegsaday iyo iyo in kale.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *