Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sanqadhi Dubad ayaa ka codsaday dadweynaha somaliland inay lasoo socodsiiyaan wixii ay uga  shakiyaan in la meelaysanyo ee hantida ummada ah. Mr. Sanqadhi waxa uu sidaa ka sheegay xalay Telefishanka qaranka.

 

 

 

 

Mr. Sanqadhi waxa kaloo uu ka codsaday dadweynaha inay Bilayska la ku war geliyaan wixii ay uga shakiyaan inay waxyeelayaan nabadgelyada iyo amaanka guud, wuuxna isagoo  fariimahaa uu shacbiga u dirayo faahfaahinaya yidhi,  “Si Wanaagsan bay Dadweynuhu ula shaqayeen Booliska Dooraashadii aynu soo marnay aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqyaa meel kasta oo ay joogaan, imikana waxaan leeyahay sidii ha loo wado Shaqeeyo oo gaar ahaan ha la ilaaliyo Nabad gelyadda,Nimankii cadowgeena ahaa Mu’amaaraadkii iyo Dhibaatadii ay damacsanaayeen inagamay hadhin oo sidii bay u wadaan, markaa waxaan Dadweynaha kula talin lahaa inay Booliska u soo sheegaan dadka ay garan waayaan, ama ay ka shakiyaan iyo dadka cusub ee Magaalooyinka ku soo kordhaya. si fiican baynu u wada qabanay hawsha kuligeenba Nabad galiyaduna inaga ayey dan inoo tahay Doorashadii si wanaagsan oo Nabad galyo ku jirto baynu u galnay, Caalamkuna tahniyad balaadhan ayuu inagu soo direy, waxaanaanu rajaynayaa inay noo fududaato Ictiraafkii iyada oo shuruud laynooga dhigay hadba sida aynu wax u qabsano haddii aynu nahay reer Somaliland waxaana Beesha Caalamku nagu yidhaahdeen waxaanu idinku eegeynaa Doorashadaa waxaa marka hore la moodayey in dagaal dhacayo oo lays qabsanayo,  ama lays xag xaganayo., maantase waxaynu muujinay xilkasnimo aan hore loogu arag Afrika.” Ayuu yidhi Sanqadhi.

Sidoo kale wuxuu isagoo ka hadlaya waqtiga kala guurka iyo gaadiidka la ogol yahay inay habeenkii shaqeeyaan, wuxuuna yidhi,  “Haddii isbadal yimaado Dad baa isku daya inay wax boobaan , xadaan oo wax dhacaan arrintaa laftigeeda waxaanu jecelnahay inay Dadweynuhu wax nagala qabtaan, haddii aad tihiin Dadweynahana wax alaale wixii aad aragtaan ee hanti dawladeed ah ee si khalada lagu isticmaalayo ama loo qaatey si deg deg ah booliska ula soo socodsiiya waayo xafiisyadii dawladu halkoodii weeye, dalkuna waa halkii, Shakhsiyaad ayuun baa is badalay, sharci horaa jirey ka hadlaya Hantida iyo Gaadiidka Dawlada khaasatan haddey Cadceedu dhacdo in Gaadiidka Dawlada la xareeyo kuwa loo baahdo hadaanay markaa ahayn sida:- Gaadidka Biyaha,Laydhka,Ambalaaska IWM oo iyagana la siiyo fursad iyo wakhti ay ku shaqeeyaan Waxaanu dadweynaha ka codsaneynaa inay lana soo socodsiiyaan wixii khalad ah ee ay arkaan si aanu talaabo uga qaadno.”

hadalka taliyaha bilayska ayaa ka danbeeyay. kadib markii ay maalmahan soo baxayeen warar sheegaya inay jiraan gaadiid iyo hanti kale oo qaranku leeyahay oo la meelaysanayo. ka hor inta aan la gaadhin xil wareejinta ay xilka kula kala wareegayaan labada madaxweyne.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

  

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *