Hargeysa(ANN) Guddiga Daba galka Hantida Ma guurtada ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo u Magacaabay inay diiwaangeliyaan hantida qaranka wakhtiga Kala guurka ah ayaa bilaabay hawl gallo ay ku kormeerayaan Hay’addaha Dawliga ah ee ay ka soo xeroodaan Dhaqaalaha iyo xarumaha wasaaraddaha qaarkood, kuwaas oo Warbixino kaga dhagaystay  Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha ka Hawl-gala xarumaha iyo hayadaha dawlada,

 

yagoo Diiwaangeliyay  dhamaanba dhismayaasha xafiisyada iyo Agabka hoos yaala ee lagu shaqeeyo.

 

 

 

 

Guddida tiro ahaan ka kooban 13 Xubnood, oo uu   gudoomiye u yahay gudoomiye  xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxay   isu  qaybiyeen kooxo  iyadoo qayb walba oo gudidaa ka mid ahi meelo gaara loo xilsaaray, kuwaas oo Shalay iyo maanta Kormeer ku tegey Hay’addo ay kamid yihiin Madbacadda Qaranka, Wakaalada Biyaha, Wasaaradaha qaarkood sida Macdanta iyo Biyaha iyo Xarunta Bangiga Somaliland.

Sida ay shebekada wararka ee araweelonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah gudidu, waxay  Masuuliyiinta goobahaa ay kula kulmeen  ka dhegeysteen  warbixino la xidhiidha ujeedada hawsha loo xilsaaray, isla markaana, waxay meelihii ay booqdeen qaarkood kala kulmeen qoraalo  Muujinaya  In Hantida Ma guurtada ah iyo Agabka xafiisyadu  ay diiwaangashan yihiin, kuwaas oo maalmahanba xafiisyada qaarkood ku hawlanaayeen inay liisteeyaan,  ilaa Xukuumadda cusubi la wareegayso Xilka, sidaa darteedna waxay masuuliyiinta qaarkood gudidaa u sheegeen in aan la ogolayn wax dhaq-dhaqaaq ah ilaa lagala wareegayo hantida ummada. Iyadoo  Guddiga Daba galku Waraaqo muujinaya Hantida Diiwaangashan ku dhejiyeen wajahada hore ee Dhismayaasha ay kormeereen.

 

Gudiga Daba galka hantida qaranka oo ay xubno ka yihiin Gudoomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha Gudaha iyo Nabad galyadda ee golaha Wakiillada Somaliland Xil. Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) waxa ay kamid ahaayeen Seddex Guddi oo Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay Sabtidii todobaadkan, kuwaas oo hordhac  u ah Nidaamka Maamul ee Xukuumadda Cusub.

 

Warbaahinta Somaliland  ayaa Maalmihii u dambeeyay Baahinayay Warar ku saabsan in Hantidii Maguurtada ah ee Dawladdu Qarka u saaran tahay inay meesha ka baxdo, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya  inay  jiraan Gaadiid kamid ah kuwa Dawladda oo  Lambarada (GT-ga (Government) qaarkood laga bedelay Taarikadii ay lahaayeen, isla markaana lagu xidhay kuwo gaar ah, halka qaarkoodna la sheegay in Siyaabo kala duwan loo adeegsaday.

 

Hase yeeshee Kulankii u horeeyay ee ay si fool ka fool ah u yeeshaan Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Xilka Wareejinaya Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inay  kaga  wada hadleen arrimo ay kamid yihiin Gaadiidka Dawladda ee la sheegay in siyaabo gurracan loo isticlaamay,  taasoo Madaxweynaha Xilka ka degeyaa ku armay Hay’addaha ku lugta leh Hantida Ma guurtada ah inay ka feejignaadaan Boobkaas cidii lagu qabtana Tallaabo ay ka qaadaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa warar xog  ogaal ahi sheegeen inuu kulan la yeeshay labada taliye ee Ciidamada Qaranka iyo Booliska Gen. Nuux Ismaaciil Taani iyo Col. Maxamed Saqadhi Dubad, kaas oo uu ku wargeliyay  inay Gacanta ku dhigaan Cidii lagu arko iyaga oo wata Baabuurta dawladda oo la dhalan rogay iyo hantida kale ee hayadaha dawlada.

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *