Hargeysa(ANN)Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), isla markaana waqtugan ah ku simaha Taliyaha ayaa ka hadlay fadeexaddaha musuq-maasuq ee lagu lunsaday raashinka macaamimadda ahaa, wuxuuna si gaara farta

 

ugu fiiqay sadex masuul oo xukuumadda hore uga tirsnaa, balse xil ka qaadis iyo xabsi laysugu daray oo lagu eedeeyay arrintaa.
Mr. C/raxmaan  Fooxle, waxa kaloo uu ka hadlay qaabka ay raashinkaa usoo qabteen iyo ilaa hada inta ay gacanta ku dhigeen, wuxuuna sidaa ku sheegay   shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Taliska Guud ee Caasimada Hargaysa, isagoo  cadeeyay inay Xalay ka qabqabteen Xaafadaha Idaacadda iyo Ganad Lix gaadhi oo ka mid ahaa deeqdii raashinka ahayd ee la musuq maasuqay.
Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska ahna Taliye ku Xigeenka Ciidanka booliska C/raxmaan Liibaan Axmed ayaa si faahfaahsan uga waramay qaabkii ay ciidan ahaan uga hawl galeen raashin mucaawimo ah oo loogu talo galay dadka danyarta ah kaas oo fadeexado Musuq maasuq ka dhasheen isla markaana sabab u noqday in xilka lagaga qaado Sadex mas’uul oo ka tirsanaa dawlada.
Taliye ku xigeenku waxa uu sheegay in hawsha daba galka raashinkani ay soo martay laba weji kaas oo mid ka mid ah ay Ciidanka boolisku maamulkooda hayeen isla markaana ay ku guulaysteen in rashinkaas lagu xareeyo bakhaarka Wasaarada Dib u dejinta isagoo xusay in hawlgalka labaad uu Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ku soo daray Ciidanka booliska Sadex mas’uul si ay u xoojiyaan kuwaas oo kala ah Gudoomiyihii Gobolka Maroodi jeex,La taliyihii Gaarka ahaa ee Madaxweyne ku xigeenka iyo Agaasimihii Guud ee Wasaarada Dibu dejinta waxa uu taliye ku xigeenka Ciidanka boolisku intaa ku daray in Sadexdaas Mas’uul oo uu Madaxweynuhu Xilka ka xayuubiyay ay ka soo bixi waayeen waajibaadkii la saaray kana danbeeyeen sida uu sheegay in raashinkaas ay goobo gaar ah dhigtaan.
Ku simaha taliyaha Ciidanka Booliska isla markaana ah Taliye ku xigeenka Boolisku waxa uu hadalkiisa ku sheegay in markii ay ogaadeen in bakhaar ku yaala xaafada idaacada la dhigay raashin lagu waday Lix gaadhi oo nooca Xamuulka ah iyo ka kale oo ay ka soo qabteen Xaafada Ganad kaas oo raashinka uu waday ay dhamayd Shan boqol oo Kiish oo bariis ah waxaanu xusay inuu amar cad ku siiyay sidii ay u soo wada qaadi lahaayeen raashinkaa,  isla markaana ay saaka ku xereeyeen Bakhaarka Wasaarada Dibu dejinta ee magaalada Hargeysa
C/raxmaan Liibaan Axmed waxa uu tilmaamay in cid kasta oo qayb ka ahayd fadeexadan musuq maasuq ay dabagal adag ku hayaan lana soo taagi doono sharciga si danbiga ay galeen ciqaabtiisa loo mariyo .

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *