Hargeysa(ANN)Kulan la doonayo in lagu soo afjaro Muranka mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa Maalgashiga Wersheda Sibidhka ee Berbera, ayaa  caawa ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, warar xog ogaal u ah kulankaa ayaa sheegaya inay jilbaha is

 

dhigeen  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo kooxda uu hogaaminayo Oday Muuse Dalab oo iyagu qayb ka ah muranka ka taagan maalgashiga wershedda Sibidhka ee Berbera.
Hase yeeshee lama oga kulankaa inay ka qaybgelayaan Ganacsadaha Dahabshiil ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay in la siiyay maalgelinta Wershedda Sibidhka Berbera, taas oo muran iyo khilaaf weyni ka aloosmay. Kadib markii koox uu higaaminayo Oday Muuse Dalab oo kasoo jeeda deegaanku si weyn uga horyimaadeen, iyagoo ku doodaya inay iyagu haystaan ruqsada ogolaanshaha Wershedda Sibidhka.
Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkii hore u dirtay xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ay weheliyaan xildhibaano ay isku maxaafsadaan si xaalada u dejiyaan oo ay usoo afjaraan khilaafka ka taagan halkaa, balse Wasiirka iyo xidhibaanada la socday ayaa ku haftay arrintaa oo wax xal ah ka gaadhi waayay. Kadib markii ay ku asqoobeen macaash maaliyadeed oo ay dhiinacyada ka raadinayeen, taas oo keentay inay xal u waayaan murankaa, balse xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u dirtay deegaankaa  Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, kaas oo ku guulaystay inuu labada dhinac arrintooda muranka usoo dabaalo dhinaca magaalada hargeysa iyo Madaxtooyadda si laysula meel dhigo, iyadoo qodobo is faham wadahadal hordhaca laga soo saaray.  Qodobadaa ayaa ahaa sidan:- 1. Markaanu eegnay duruufaha lagu jiro waxaannu isla garanay inaanu Dalku qaadi karin laba  wershadood oo sibidh ah.
2. In Berbera laga hirgaliyo wershad sibidh oo wayn taas oo ay ku midoobaan dhamaan ganacsatada doonaysa inay maalgasgadaan wershada sibidhka Berbera
3  In shirkada Dahabshiil oo iyadu aan hore u haysan dhul sharciya ay dawlada hoose ee Berbera waydiisato dhul.
4. waxaanu ogaanay in qoladii xukuumadii hore ruqsada u siisay ay hortaagnayd xukuumada oo aan u qiimayno wershada markaa waa in la  soo qiimeeyo qaybta wershada ee dhisan si loo ogaado qaybta dhiman. 5. In khilaafka wixii hadhay lagu dhameeyo Hargaysa si culuska looga qaado Berbera.”
Dhinaca kale waxa la filayaa inay kulankaa kasoo baxaan  oo ay xukuumaddu kasoo saarto go’aamo  meesha ka saaray muranka iyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac , basle waxa jira warar la xidhiidha dooda kooxda Oday Muuse Dalab ee ku andacoonay inay ruqsad u haystaan dhismaha Wersheda Sibidhka ee Berbera oo mad-madaw  badani kasoo baxay sharciyada ruqsadooda intii muranku socday, iyadoo tibaaxo lagu kalsoonyahay oo shebeda Araweelonews ka heshay  taliskii  Xukuumaddii Daahir Rayaale ay sheegeen inaany jirin cid uu Madaxweyne Rayaale si gaar ruqsad su siiyay dhismaha Wersheda Sibidhka ee Berbera, waxayna tibaaxaha iyo xoggaha la xidhiidha arrintaasi sheegeen inay markii u danbaysay ee arrintaa ay ka wada hadlaan ay ahayd xilligii ay socotay bedelaada kaadhadhka ee loo diyaargaroobayay doorashada, isla markaana ay ahayd oo keliya arrintu balanqaad, balse aanay jirin Digreeto  iyo ogolaansho sharci ah oo uu bixiyay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.
Laakiin waxay tibaaxahaasi sheegeen inay sheegashada Odayaasha  ku doodaya in Ruqsad loo siiyay iyaga dhismaha wershedaa  Sibidhka ay tahay mid xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo shariyaysay. Kadib markii digreeto kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Siilaanyo lagu shaaciyay , sidaa awgeed haddiiba ay ahayd qoraalka ruqsada ay haysteen mid sharcidaro oo foojari ah uu sharci ku noqday Digreetadii madaxtooyadda kasoo baxaday ee lagu shaaciyay in la siiyay Wersheda Sibidhka Shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom oo iyadu ka baxday maalgashiga wersheddaa.
Si  kastaba ha ahaatee waxa muuqata inay xukuumaddu qaab khaldan u maamushay arrinaa, iyadoo muranka iyo khilaafka ku saabsan arrintaa maalgashiga wershedda sibidhka ee Berbera looga faa’idaysanay intii taagnaayeen  siyaasado beelaysan, qaab hunguri oo dhaqaalle doon ah iyo ujeedooyin kale, isla markaana ay saamayn ku yeelan karaan shirkaddo, ama ganacsato shisheeye oo doonayay inay kusoo dhiiradaan inay maalgashi ku sameeyaan dalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *