Hargeysa(ANN)Tafaftirihii Wargeyska  caanka ah ee kasoo baxa Hargeysa Maxamed Cumar Cabdi (Ciro) ayaa lasii daayay caawa  kadib markii uu ku  xidhnaa xarunta CID ee baadhista denbiyada dhawr saacadood, iyadoo  xabsiga u   taxaabeen  maanta gelinkii danbe

koox ciidanka bilayska ah oo ugu yimi xarunta Wargeyska jamhuuriya ee magaalada Hargeysa.
xiligaa oo uu ku jiray hawshiisa shaqo.”Caawa ayay igu yidhaahdeen iska tag oo shaqadaadii qabso, waxanu doonaynaa inaanu xafiiskii ku geyno. sidaa waxa yidhi Tafaftiraha oo aanu caawa khadka isgaadhsiinta kula xidhiidhnay, wuxuuna intaa ku daray in aan loo sheegin cida sii deysay iyo cida soo xidhay toona.

“Waxa loo keenay waaran waana la kaxeeyay.” Sidaa waxa yidhi  Xuseen Cali Nuur oo ah tafaftiraha wargeyska Republic  oo aanu weydiinay xadhiga Tafaftiraha Jamhuuriya. qaabka loo xidhay  Tafaftiraha  ayaa ah mid aan waafaqsanayn  xeerka saxaafada iyo dastuurka dalka.
Lama garanayo sababta ka danbaysa xadhiga  Tafaftiraha jamhuuriya, balse waxa la rumaysan yahay inay la xidhiidho war ku saaabsan Hantidhawrka oo ka dalbaday Xeer Ilaalinta qaranka in maamuuska laga Xayuubiyo Maayarka iyo Maayar xigeenka Hargeysa oo baadhitaano ku socdeen mudooyinkii u danbeeyay si xabsiga loogu taxaabo, kaas oo wargeysku baahiyay  shalay.
wixii kasoo kordha xadhiga Tafaftiraha Jamhuuriya kala soco Araweelonews
Araweelonews Mobile  Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com  
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *