Hargeysa(ANN)Gudoomiyihii hore ee Degmada Wajaale Qawrax Muuse Xuseen oo Muddo Todoba bilood ah ku Xidhnaa Jeelka Gabiley ayaa lasii daayay.  Kadib markii uu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) cafis u fidiyay maanta. Ma

 

jiro qoraal cafiskaa la xidhiidha oo dhinaca madaxtooyada kasoo baxay, balse Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay waxa lagu sii daayay ninkaa cafis madaxweyne.

Maxkamada Gobolka Gabiley  ayaa Qawrax Muuse Xuseen  ku Xukuntay Seddex sannadood oo xabsi  aan la iibsan Karin iyo inuu bixiyo lacag malaayiin ah oo uu lunsaday mudadii uu xilka hayay. Kadib markii lagu helay musuq-maasuq loo haystay oo Hanti dhawrka qaranku  ku soo eedeeyay.  Gudoomiyihii hore ee Degmada Wajaale ee lagu helay inuu lunsaday  hanti qaran waxa uu ka mid ahaa Masuuliyiintii Xukuumadii hore ee UDUB. Waxaana jiray dhawaaqyo iyo dhaqdhaqaaqyo ka imanayay qaar ka mid ah Odayaasha Gebilay oo tan iyo markii xabsiga loo taxaabay ku baaqayay in lasii daayo, balse sii deynta waqtigan ee cafiska Madaxweynuhu u fidiyay ayaa eheladiisu ku sheegeen inay la xidhiidho xaaladiisa caafimaad  oo liidatay mudadii uu xabsiga ku jiray Qawrax.
Hase yeeshee sii deyntiisa ayaa kusoo beegantay iyadoo waqtigan deegaanka Gebilay laga abaabulayo shirbeeleed aan ujeedadiisa si cad looga warqabin, kaas oo daba socday shirbeeleedyo maalmihii u danbeeyay  laga waday caasimada Somaliland iyo meelo kale oo dalka ah, kuwaas oo qaybo baddan oo ka mid ah bulshadu is weydiinayaan sababta xiligan xukuumadda cusub ee mudada kooban xilka haysay loogu baaqayo shirbeeleedyada. Laakiin inta baddan la rumaysan yahay inay yihiin kuwo ujeedo siyaasadeed laga leeyahay, isla markaana ay dabada ka riixayaan kooxo kasoo horjeeda hawlaha baadhista Hanti-dhawrka  oo  saraakiil baddan  xabsiga u taxaabay, kuwo kalena la rajaynayo in sidan oo kale xabsiga loo taxaabo.
Waxaana cafiska madaxweynaha ee  gudoomiyhii hore loo nisbeeyay mid la xidhiidha dhawaaqyada shirarka beelaysan ee qaarkood la qabtay, kuwo kalena hada lagu baaqayo, kuwaas oo raysal caamka bulshadu is weydiinayaan waxa ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  oo aan ka hadlin  dhaqdhaqaaqyada iyo shirarkaa beelaysan  uga aamustay.
Dhinaca kale  Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo mudaddii  sannadka ahayd ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xilka haysay sameeyeey baadhitaanno badan oo musuqmaasuq, ayaa ilaa hadda gobolada Hargeysa, Gabiley iyo Togdheer ku xidhxidhay masuuliyiin badan oo lagu eedeeyey inay lunsadeen xoolo ummaddeed, iyada oo weli Hantidhawrku wado baadhitaanno kaloo laga yaabo inay sababaan in rag badan oo waaweyn xabsiyada loo dhaadhiciyo.
masuuliyiinta ugu culus ee ilaa hadda baadhitaannadu  saameeyeen  waxa ka mid ah  maayarka xasaanadda laga qaaday ee magaalada Gabiley Mr. Aadan Muxumed Bade  iyo saraakiil tiro badan oo ka tirsan dawladdaha  hoose ee caasimadda Hargeysa iyo Burco, isla markaana talaabada saamaxadaa ee gudoomiyihii hore ee Wajaale ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii ay soo baxeen wararka la xidhiidha inay Hantidhawrka Guud ee Qaranka xafiiska    Xeer-ilaalinta Guud ee qaranka kaga dalbadeen in maamuus-ka-xayuubin lagu sameeyo Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo ku-xigeenkiisa,  iyadoo qoraalkaa ogaysiin la siiyay Wasaaradda Daakhiliga iyo Madaxtooyada Somaliland , labadaa masuul oo qoraalkaa lagu sheegay in lagu hayo eedo musuq-maasuq oo maxkamad lagu horgeynkaro.   laakiin talaabada Cafiska Madaxwayne Siilaanyo u Sameeyay masuulkaa  ayaa saamayn togan ku yeelanay inay sii socdaan baadhitaanadii dhinaca Hanti-dhawrka qaranka, taas oo wejigabax ku noqonay dalabkoodii u danbeeyay ee kaga dalbadeen xeer Ilaalinta qaranka inay  ogolaadaan in xiisaanada laga  xayuubiyo Maayarka Hargeysa  iyo ku xigeenkiisa si loogu soo oogo dacwad ka dhan ah oo la xidhiidha musuq-maasuq iyo lunsi hanti qaran.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *