Laascaanood(ANN)Maayarka cusub ee Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Keyse Maxamed Xuseen, ayaa walaac ka muujiyay xil gudashada Ciidamadda Booliska iyo kuwa sirdoonka ee gobolkaasi oo uu ku tilmaamay kuwo aan isku xidhnayn oo xilkooda aan ka soo bixi Karin.
Maayarka cusub ee Laascaanood waxa kale oo uu sheegay in shalay la xidhay sadex nin oo lagu eedeeyay inay falkii lagu dhaawacay Jimcihii la soo dhaafay Guddoomiyihii ururka Haweenka qaranka ee NOW ee Gobolka Sool Marwo Nadiifo Maxamed Col u joog, oo niman madaxa soo duubtay ay rasaaseeyeen.
“Sadexdan dhalinyarada ah ee loo qabtay weerarkii lagu dhaawacay Nadiifo Maxamed Col u joog, waa tuhun uun baadhistiina way socotaa,”ayuu yidhi Maayarka Laascaanood.
“Waxaan ka dayrinayaa xil gudashada Ciidamada Booliska iyo kuwa sirdoonka Gobolka oo aan sidii la rabay ugu adeegin bulshada, waxa loo baahan yahay in dib u habayn lagu sameeyo ciidamada Booliska, ciidanka CID-da iyo ciidanka sirdoonka. Ciidanka Boolisku sidii waxa ka jira xil gudasho xumo iyo shaqo xumo weyn oo aanu doonayno in wax laga qabto si wax looga qabto xaalada nabadgelyo ee Magalada Laascaanood waxaanu maamul degmo ahaan naga go’an xiligan inaanu la shaqayno Booliska ay ka soo baxaan shaqadooda,” Keyse Maxamed Xusee,n, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Waargeyska DAWAN.
Maayarku waxa kale oo uu sheegay inay la xidhay afar oday oo damiintay Maayarkii hore ee Magalada Laascaanood oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo inuu agaasimay falal nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland ku lidi ah.
Keyse waxa uu sheegay in odayaashaasi loo xidhay markii Maayarkii hore uu yimid caasimada Hargeysa iyadoo lagu amray inaanu ka bixin Magaalada Laascaanood mudada uu damiinka ku joogo.
Maayarku waxa kale oo uu intaasi ku daray inay wadaan dib u habayn ay ku samaynayaan habsi u socodka shaqo ee dawlada Hoose ee Laascaanood waxaanu tilmaamay in shaqaalaha dawlada Hoose oo dhan 57 qof ay mushaharkooda xiligan u qaataan si caadi ah.
|
Xigashp Wargeyska DAWAN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *