Hagrgeysa (ANN) – Boqor Ali Hussein Kaahin iyo  Suldaanka guud ee

 

Beesha Ayuub Suldaan Daahir Suldaan Aamin Suldaan Faarax ayaa uga digay guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan dadka xaafada Sheekh Muuse Ducaale ee magaalada Hargeysa  kaadhadh ay sheegeen in xisbiga talada dalka haya ee UDUB uu ka iibsanayo xaafadaa, kuwaas oo uu doonayo in Madaxwayne Rayaale oo u  badheedhay inuu shilimaad ku baayaco sumcada iyo qiimaha beesha Ayuub iyo dadka xaafadaa.

Baaq dheer oo ay shalay kasoo jeediyeen shir jaraaid oo ay ku qabteen huteelka imperial , isla markaana kusoo bandhigeen foomamka loogu talo galay in dadka lagaga iibsado kaadhadhka oo nashqadaysan  ayaa waxa ay ku sheegeen in aanay macquul ahayn in dadka dagan Xaafada Sheekh Muuse Ducaale ee Hargeysa ama beesha Ayuub in lagaga iibsado shilimaad kooban kaadhadhka dhalashadooda, iyagga sheegay in qofkii la dhex yimaada fakir noocaas aanay xitaa magtiisa bixin doonin haddii wax ku yimaadaan.

Baaqan ay soo saareen boqorka iyo Suldaanka guud ee beesha Ayuub ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan “Suldaanka guud iyo boqorka   Beesha Ayuub waxay  hambalyo iyo bogaadin u dirayaan guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee isbadal doonka ah, si wadankan loogu yagleelo hogaan hanan kara hogaaminta dalkan si looga dhabeeyo himilooyinka iyo hamiga shacab waynaha reer Somaliland .”

Boqor Ali Hussein Kaahin iyo  Suldaanka guud ee Beesha Ayuub Suldaan Daahir Suldaan Aamin Suldaan Faarax, oo hadalkooda sii wataa waxa ay intaa ku dareen “Waxaanan cod dheeer ugu sheegaynaa in maanta codkeenu la mid yahay halgankii qadhaadhaa ee dalka loo soo maray, maadaama codkeenu cumaamadi karo hogaan lagu hongoobay sida ka maanta jooga,  waxaanu uga digaynaa shacbiga reer Somaliland inay gacmahooda lugahooda ku jaraan, waxaana hubaal ah inay taariikhdu la xisaabtami doonto ninka maanta wax dhuun mara ka doorbida mastaqbalkiisa iyo ka umadwaynaha reer Somaliland waxaanan rajaynaynaa inay nala dareenyihiin inta badan umadda reere Somaliland.” Ayay yidhaahdeen waxayna intaa ku dareen “Waxaanu umada reer Somaliland maanta halkan ugu soo gudbinayanaa in maamulkan fashilmay markii uu ku guuldaraystay kasbashadii dadka,  waxaa uu maleegay inuu bohol ku rido hamigii umada, waxaana layaab noqotay maanta xaafada sheekh Muuse Ducaale oo aad wada ogtihiin inay la nooshahay biyo, la’aan, Shildhig la’aan, MCH la’aan, wado la’aan iyo dhamaan baahiyaha nolshada oo dhan in maanta uu adduunkii intaas  oo dhan loogu qaban lahaa (Dhaqaalihii) is yidhi kaga iibso dhalashadooda waxaanu Madaxwaynuhu ka warhayn in magaaladaa Hargeysa oo dahab iyo lacag buuxda in aanu ka dhaqaaqnay si aan u xaqiijino mastaqbalkan aad maanta madaxwaynaha ka tahay,  waxaanan kuu sheegaynaa inaanaan gun ahayn ee aanu gobnahay codkayagana aanay goynayn shilimaddii aad naga ururisay.”

Oday dhaqameedkan waxa ay si toos ah ula hadleen Madaxwayne Rayaale “Daahiraw Hargeysa kaama gaydo inaad maanta adduunkii aad ka urursatay adigoo ka af-xidhay huromarkii aan filaynay inaad dhalashadii duriyada  ku ururiso,  waxaananu ku leenahy Hargeysa aqoonbaadan ahayn ee been baa laguu sheegay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Umada reer Somaliland-na waxaan leenahay walaalayaal  ILAAHAY baanu idinku dhaarinee ma ninka aduunkiinii taariikhdiina  ku baabiinaya ayaad codkiina siinaysaa, ma ninka xildhibaanada mustaqbalka  bohol ku ridiya ayaad codkiina siinaysaan, walaahi waa godob Hargeysa laga galayo waa godob halgankii dheeraa laga galayo, waa godob mustabalka laga galayo ilmaadeerayaal ninka maanta isbadalka ka hadhaa waa nin halgankii ka hadhay  waa nin horumarka ka hadhay waa nin danaha  reer Somaliland Ka hadhay”

Boqorka iyo Suldaanka Guud ee Beesha Ayuub waxa kaleooka hadleen “Ninka maanta caqligiisu siiyay inuu dhalashadii dhalinyarada ka iibsado, ma umalaynaysaa inuu ictiraaf idiin raadiyo si aad dhalasho u heshaan, ninka aduunkiinii dhalashadiina ku baabiinayo ma umalaynaysaan inuu  horumar idiin maalgalinayo” ayay yidhaahdeen waxaanu intaa ku daray “Walaalyaal ma ogtihiin ILAAHAY ha u naxaariistee Madaxwaynihii hore marxuum Cigaal gabadhiisii guri kira ah ku jirto biilkeeda bishii uu dhintayna uu yidhi qasnada dawlada halagu celiyo, ma ogtihiin Riyaale oo ah kii ay umada reer Somaliland uga hiiliyeen halyay-yaddii dalkan u soo halgamay inuu daafaha adduunka guryo kaga samaystay, ma ogtihiin in dhamaan dantii guud, guryihii dawlada, ganacsigii xorta ahaa iyo dhammaan rajaddii dalkan oo dhan adduun la dhaafsaday, markaa Muwaadinaw ma milicsatay taariikhdii hore ee Daahir Riyaale hadimooyinkii uu dalkan u gaystay intii uu xilka hayay , kuwa uu la maaganyahay oo ay ka mid tahay tan maanta aan gacanta ku hayno”

Oday dhaqameedyadu waxa kale oo ay soo qaadeen “Guntii iyo gabagabadii waxaanu u sheegaynaa Daahir Riyaale biyo, la’aantii Saldhig la’aantii, MCH la’aantii iyo waddo la’aantii inaadan noogu darayn dhalasho la’aan, dhicimayso in dhalashada AYUUB aduun-gooyo, ama aad kasbato dhicimayso inaan gunnimo ka doornano gobanimo, waxa kale oo aanu reer Sheekh Isaxaaq iyo reer Somaliland  u sheegaynaa inaanaan bixin doonin  xataa magtooda  ciddii noola timaado inay lacag ku iibsato dhalashada dhalinyarayada.”

Todobaadkii hore ayay ahayd markii shebekada wararka ee araweelonews shaacisay magacyada masuuliyiin ka tirsan xukuumada Rayaale iyo xisbigeeda UDUB  oo ku hawlan sidii ay dadka uga iibsan lahaayeen kaadhadhka, iyadoo aanay ilaa hada komishanka doorashooyinka qaranku ka hadlin arrintaa oo keeni karta mushkilad soo waajahda natiijada doorashada loo dareerayo sabtida fooda inagu soo haysa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com .

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *