Hargeysa (ANN)-Aqoon is waydaarsi lagaga hadlayay Doorka ay Saxaafadu ku leedahay Doorashada la filayo inay ka dhacdo Dalka 26 June,  

 

 

 

ayaa lagu qabtay shlay Magaalada Hargaysa gaar ahaan Hutel Imprial, Aqoon is waydaarisgan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka qurba jooga  ah ee Somaliland Forum, ayaa u jeedada loo qabtay waxa ay ahayd qaabka ay Saxaafadu uga hawl gali doonto Doorashda iyo in laga fogaado wixii isku dhac ku keeni kara Bulshada, maadaama ay Warbaahintu tahay mid Xumaan iyo wanaag labadaba loo adeegsan karo.

 

Kulankaa oo ay ka qayb galeen koox suxufiyiin ah iyo xubno aqoonyahan ah ayaa lagu gorfeeyay doorka iyo kaalinta saxaafada ee xiliga doorashada iyo waqtiga xaasaasiga ah,  waxaana Munaasibada Furitaanka ka soo qab galay inta badan qaybaha warbaahinta Somaliland , sidoo kale waxa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Ururka Somaliland Forum, iyo Eng Cali Cabdilaahi Daahir  oo ka mid ah Gudida Ilaalinta habsami u socodka Doorashooyinka 2010 waxaana ugu horayn halkaasi hadalo waano iyo dhiiri galin ah ka soo jeediyay Eng Cali Cabdillaahi Daahir waxaanu ku dheeraday Doorka ay Saxaafadu ku leedahay Bulshada dhexdeeda madama ay iyadu tahay ta wax u gudbinaysa Shacabka, isl markaana waxa uu ku guubaabiyay in ay Saxaafadu ka dheerato waxyaabaha keeni kara isku dhaca iyo shaqaaqyooyinka, waxa isaguna halkaasi ka hadlay

Pro Xasan Xiis oo u soo jeediyay dhamanba warbaahinta dalka inay dhexdhexaad ka ahaadaan inta Doorashadu socoto iyo maalmaha ka danbaysaba, waxana uu sidoo kale Xasan Xiis ku guubaabiyay Warbaahintu inaanay Dhexdhexaadnimada ka tagin ee ay ku  dedaalaan isagoo intaa ku daray in ay warbaahintu hadii si xun ay wax u adeegsadaan inay isku dhac keeni karaan, isagoo sheegay inaynaan taag u hayn isku dhac waxaanu yidhi bal eeg inta Caruur Iskuulada u dareerta, inta Qof jilicsan Dhakhtarka taala,.

Ugu danbayntii Sarkaal ka tirsan Ururka Somaliland Foruma ay soo bandhigeen qiimayn ay sameeyeen taas oo laga sameeyay Shan wargays oo ka soo baxa Dalka iyo sida ay ahaayeen Ciwaanada Wargaysaydaasi, taasi oo aad arki karaysay qaarkood dhibaatada ay keeni karaan halka kuwo kalana lagu amaanay sida wanagsan ee ay wax u qoreen.

Gabogabadii Aqoon is waydaarisgan Aaraahdii ka soo baxday waxa laga soo saari doonaa Qodobo wax ku ool ah, taasi oo ay sheegeen Masuuliyiinta Ururka Somaliladn Forum inay dib ugu soo gudbin doonaan Warbaahinta

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com .

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *