Hargeysa (ANN) Xarunta wadahadalka iyo dumuqraadiayada (Center for Dialogue and Democracy)

 

 

 

ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigtay daraasad ku saabsan cida la filayo inay ku guulaysato tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland oo la filayo in cod bixinteeda loo dareero maalinta sabtida 26 jun ee fooda inagu soo Haysa.

 

 Qoraal ay soo gaadhsiiyeen shebekada wararka ee Araweelonews oo ay ku iftiiminayaan qaabkii ay daraasada u sameeyeen iyo natiijadii usoo baxday waxay u qornayd sidan;- “Xubno aqoonyahano ah oo isxilqaamay kana tirsan xarunta (Center for Dialogue and Democracy) ayaa sameeyay codbixin laga qaaday dadweynaha Somaliland. Codbixintan waxa la qaaday intii u dhexeysay 12kii ilaa 20kii bishan Juun oo ahayd mudada lagu jiray ololaha doorashada Somaliland.

 

Habkii loo maray hawshan:

Waxaa loo galay hawshan saddex qaybood. Qaybta hore waxaa dadka wax lagu waydiiyay tiiyoo la isticmaalayo telefoon, qaybta labaad waxa lagu waydiiyay tiiyoo la isticmaalayo habka emailka ee fariimaha la iskugu gudbiyo, halka qaybta saddexaadna ay ahayd waraysi toos ah. Dadka la waraystay waxay ka koobnaayeen dhamaan qaybaha kale duwan ee bulshada iyo heerarkeeda kala duwan. Dadka la waraystay waxay ku sugan yihiin dhamaan gobolada Somaliland magaalo madaxyadooda. Dadka la waraystay da’doodu waxay u dhaxaysay 18sano ilaa 71sano waxaanay ka koobnaayeen rag iyo dumarba.

 

Natiijadii soo baxday.

Dadkii ka qayb galay guud ahaan hawshan ee na siiyay wararkooda waxay ahaayeen 200 oo qof; 122 rag ah una dhiganta 61% iyo 78 haween ah una dhigma 39%. Dhinaca da’da waxay 38 ka mid ah una dhigma 19% ka yaraayeen 25sano. 124 qof una dhigma 62% waxay da’doodu u dhaxaysay 25-45sano. Halka 38 qof una dhigma 19% ay da’doodu ka waynayd 45sano.

 

Dhinaca aqoonta 40 qof oo ka mid dadka la waraystay una dhigma 20% may galin iskuul ama may gaadhi dugsi sare. 86 qof una dhigma 43% ayaa heerka aqoontoodu gaadhsiisnaa ilaa dugsi sare. Halka 74 qof oo ka mid ah dadka hawshan ka qaybgalay una dhigma 37% ay aqoontoodu gaadhsiisnayd ilaa heer jaamacadeed.

 

Dhinaca codbixinta:

93 qof oo u dhigma 47% ayaa sheegay inay codkooda siinayaan xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye. 55 qof una dhiganta 28% ayaa sheegay inay codkooda siin doonaan xisbiga mucaaridka ah ee UCID, halka 51 qof una dhigma 26% ay sheegeen inay codkooda siin doonaan xisbiga xukuumiga ah ee UDUB,.

 

Sidoo kale 96 qof una dhigma 68% ayaa sheegay inay xisbiga ay codka siinayaan ku doorteen barnaamijkiisa siyaasadeed. 68 qof una dhigma 34% ayaa sheegay inay ku doorteen xisbiga ay codka siinayaan khibradda musharixiintiisa. 34 qof una dhigma 17% ayaa iyaguna sheegay inay ku doorteen xisbiga ay codka siinayaan si uu isbeddel u dhaco. Halka 2 qof una dhigma 1% ay sheegeen inay xisbiga ay u codaynayaan ku doorteen qabyaalad.

 

Dhinace kale waxay 124 qof oo ka mid ah dadka la waraystay una dhigma 62% ayaa sheegay inay jecel yihiin in xisbiga ay u codaynayaan soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh tiro ahaana aan ka badnay 14 wasiir iyo wasaaradood aan laguna salayn qabiil qaybsiga wasaaradahan. 62 qof una dhigma 31% ayaa iyagu sheegay inay jecelyihiin xukuumad ka kooban 14-30 wasiir iyo wasaaradood lana tixgeliyo in qabaailku ka wada dhex muuqdaan. Halka 14 qof una dhigma 7% sheegeen inay rabaan xukuumad ka badan 32 wasiir/wasaaradood isla markaana lagu saleeyo hab-qaybsiga beelaha si la iskaga wada dhex arko.

 

Dhinaca saxnimada natiijada codbixintan waxay aqoonyahanadi ku darsadeen in 5% ay noqon karto mid ku darsanta ama ka dhimanta wadarta guud ee natiijada soo baxday.

 

Tani waa saadaal laga tilmaan qaadan karo sida ay noqon karto natiijada doorashada ka dhici doonta Somaliland 26ka bishan Juun 2010 hadii ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

 

Waxaanu ugu baaqaynaa shacbiwaynaha Somaliland inay nabadgalyada ilaaliyaan codkoodana u dhiibtaan si xor ah.

 

Waxaanu u mahadnaqaynaa dhamaan intii nagala qaybgashay hawshan iyo intii wakhtigooda qaaliga ah u hurtay inay noo dhamaystiraan suaalaha aanu waydiinay. “

 

Daraasadan ayaa noqonay tii labaad ee qiyaas isku dhow ku iftiimisa in xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ku guulaysanayo marka loo eego labada xisbi ee kale tiro aad u saraysa doorashada madatooyada somaliland ee la filayo in loo dareero sabtida fooda inagu soo haysa.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com .

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *