Hargeysa(ANN)Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa naqdiyey xadhiga muddo dhaafay ee xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo kula kacday boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo muddo ka baddan bil maxkamad la’aan ugu jira jeelka

 

dhexe ee Hargeysa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa  uu sidoo kale ka hadlay eeddaymihii hore boqor Buur-madow u jeediyay Xukuumadda iyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in aanu qaarkood jeclaysan, balse maadaama oo Buur-madow yahay shakhsi sida xil umaddeed la sii daayo haddii aan wax kiis ah oo cad lagu haynin.

Suldaanka oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal la xidhiidha sida uu u arko xeer- ilaalinta oo markii ay shalay  maxkamadda hor keeniweyaday wax denbi ah oo loo haysto Boqor Buur-madow oo dacwadiisu furmi lahayd  dib loogu celiyay xabsiga ayaa yidhi,  “Anigu waxaan u arkaa in ninkaasi xuquuqdiisii meel lagaga dhacay, bil dhan ayuu xidhan yahay, wax kiis ah laguma soo oogin cadayna lama horkeenin, ninka Madaxdhaqameedka ahna lama soo xidhi karo ilaa xilka laga qaado, ninkani xil umadeed ayuu sidaa, umaddaa uu boqorka u yahay in lagu ixtiraamo wuu mudan yahay”

Suldaan Maxamed waxa uu sheegay inaynu nahay dal sheeganaya dimuqraadiyad haddana xoriyatul qowlka la isku xidhayo, isagoo yidhi,  “Dadbaynu nahay dawlad leh oo dimuqraadiyad ayaynu sheeganaynaa, Madaxwaynayaashii Maraykanka mid walba waxbaa lagu fadeexadaynayey laakiin in la xidhaa may dhacayn (qofka eedeeya), boqorku wuu hadlay oo joornaalada ayuu ku hadlay, joornaaladana waxa ka mabnuuc ah in lagu caytamo oo waa gef, laakiin waxa ka sii xun xaalada uu maanta ninkaasi ku jiro isaga oo maxkamad diyaar u ah oo looyar qabsaday haddana wax kiis lagu soo cadeeyay aanay jirin, haddana xoriyadiisii iyo xuquuqdiisii shakhsinimo laga qaaday oo inta maxkamadii ugu horeysay la keenay haddana dib loogu celiyay”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Sidoo kalena isagoo sharaxaad ka bixinaya in xadhiga Boqor Cismaan Buur-madaw  la xidhiidho arimo siyaasadeed, wuxuu yidhi,  “Anigu waxaan u arkaa arin siyaasadeed inuu yahay (Xadhiga boqorku), waayo ninkaasi waxa uu galay ergooyin badan oo Puntland iyo Somaliland waa kii isagu heshiisiiyay, waa nin kaalin kasta wax ka qaban kara oo reer Somaliland ah, in la cabudhiyo bani-aadamkana maaha, haddii dawladu wax ku hayso sifo sharci ah haku keento, Xukuumadeenii ma Koonfur Afrika ayay noqotay oo nin aan kiis lagu haynin ayaa saddex bilood jeelka lagu hayaa, qofkuna in 48 saacadood jeelka lagu hayo ayuu xaq u leeyahay, qaybta CID-du haddii ay wax hayso hasoo bandhigto haddii kalena in xoriyadiisa loo celiyo ayaa fiican.”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Waaheen oo uu khadka telefoonka uga waramay lagu waydiiyey in xadhiga Boqor Buur-madow la xidhiidho dhaliilo uu Madaxwaynaha iyo weftigiisa u jeediyey wakhti ay safar ku tageen dalka China  iyo in kale, ayaa sheegay inuu ogyahay in wakhtigaasi ay ganacsato bagaashlayaal ah oo dalka Taiwan tagaa ay fiisaha safarkii China  u soo saareen Madaxwaynaha, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Anigu waxaan ogaa in ganacsato bagaashlayaal ah oo Taiwan tagaa ay Fiisaha u soo saareen Madaxwaynaha oo bagaashlayaasha laftooda ayaaba cadeynaya, manay jirin dawlad casuuntay, Madaxwaynuhu sida uu doono haku baxo,  laakiin ilama aha in inan yar oo jeeble ahi uu wax u soo saari karo, laakiin maadaama oo aynu nahay dawlad aan la ictiraafsanayn way adag tahay sida fiisayaasha loo bixiyaa, laakiin waxa jira dawladu aynu saaxiib nahay oo fiisaha bixiya una adeegsan karto in dalka aad doonaysaba ay fiisihiisa kuu doonaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in markii warkaasi uu maqlay ka xumaaday oo aanu jeclaysan, isaga oo intaasi ku daray inaanu ogeyn nuxurka xurgufta Madaxwaynaha iyo boqor Buur-madow“Markaa anigu warkaa bagaashlayaasha ah ee la sheegayo aad-baan uga soo horjeeday manaan jeclaysan, mana sheegi karo  wax ka dhexeeya boqorka iyo Madaxwaynaha, laakiin boqorkuna meel Soomali lagu heshiisiinayo haddii uu nabad ka dhalinayo in lagu xidho maaha, waxaanan leeyahay haddii uu inooga dheereeyana balaayo inooga dheerayn maayo oo wax khayr leh ayuun-buu sheegi”

Dhinaca kale Suldaan Maxamed waxa la weydiiyay  sida uu u arko guddida wasiirrada ah ee Madaxwayne Siilaanyo u saaray wada hadalada Soomaliya, isagoo sheegay inuu ka soo horjeedo haddii aan isaga la soo marin, wuxuuna mar uu ka hadlayay aragtidiisa arrintaa yidhi,  “Taa anaga ayaaba ka soo horjeedna, haddii ergo loo dirayo Koonfur oo lala hadlayo nin walba anigaa kaga xaq leh, wixii xaaraanta lagu sheegayey ee la igu dilay inay maanta rag ku xaragoodaan ma yeelayo waa in aniga la I soo maraa oo maal iyo magdhow lana siiyaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Meesha (Soomaliya)  waa magac uun waxa inaga raacayaa”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ka digay in wada hadalada Soomaliya natiijadoodu noqoto tii lixdankii oo kale, isagoo yidhi,  “Haddii Koonfur lala hadlayo waxa ka yaalay xeer, xeerkiina waatii qodobka dastuuriga ah laga dhex saaray ee labada golle ansixiyeen in Xamar lala hadli karo, wada hadalada aynu Soomaliya la galayno waxa laga yaabaa inay iyagu inooga aqoon badan yihiin oo aynu ku dhex fadhiisano oo tii lixdankii inagu dhacday ayaa maantana sansaanteedii (muuqata), Laakiin waxay u baahan tahay in umadda xaqiiqda loo sheego oo dadka la yidhaahdo, Haddii aanad waxaaga soo goosan karayn ha taggin meesha, waayo waxaynu raadinaynaa wax lixdankii inaga lumay, maanta raga wax soo goyn kara, anigu waxaan ku boorinayaa rag u bislaaday siyaasada oo qadiyada dalka ka taagan ka doodi kara, Matalan Boobe Yuusuf Ducaale iyo Dr Gaboose oo kale way ka doodi karaa”
Suldaan Maxamed  waxa kale oo uu ka hadlay doorashada golayaasha deegaanka oo uu ka digay inay dhibaato ka dhalato, taas oo uu xusay in taxadir baddan loo baahanyahay.
Xigasho Waaheen

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *