Hargeysa(ANN)Shirweynihii koowaad ee Urur-siyaasadeedka Waddani ayaa manta lagu soo gabo-gabeeyay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, kadib markii uu shalay ka furmay halkaa, iyadoo ergooyinka ka qaybgalayaasha shirweynuhu ansixiyay xeerarka

 

ururkaa, barnaamijka loo sameeyay ee lagu hagayo. Kadibna lagu doortay Hoggaan cusub oo ka kooban lix xubnood, kuwaas oo ka kooban guddoomiye,  shan guddoomiye kuxigeen iyo xoghaye.
Gudoomiyihii ku meelgaadhka ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa loo doortay inuu hogaamiye Ururka oo noqdo gudoomiyaha. Sidoo kale waxa madasha lagu doortay   guddoomiye kuxigeenka kowaadna Axmed Muumin Seed oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, guddoomiye kuxigeenka 2aad ayaa loo  doortey Faarax Maxamed Cabdule (Faarax Dheere oo ah Xildhibaan Ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo  kasoo jeeda Sool, guddoomiye kuxigeenka sadexaadna waxa loo doortey Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Cabdilaahi Dheere) oo ka soo jeeda Hargeysa, guddoomiye kuxigeenka afraad waxa loo doortey Cabdi Raygal oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, guddoomiye kuxigeenka shanaad waxa loo doortey Milgo Maxamed Cilmi oo ka soo jeeda Hargeysa, waxaana xoghayaha guud ee Urur-siyaadeedka WADANi loo doortey Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ah Maayar kuxigeenka Caasimada Hargeysa, kaas oo  kasoo jeeda Hargeysa.
Sidoo kale, waxa shirweynaha Ururka wadani ayaa   lagu ansixiyey guddida fulinta oo ka kooban 35-xubnood,  sidoo  kale waxa shirweynahaa lagu  ansixiyey oo ergooyinku ku  meel mariyeen  201 xubnood oo mid ah  250- xubnood ee loo qorsheeyay inay noqdaan guddida fulinta WADANI. 
Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka wadani C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (C/raxmaan Ciro),  ayaa geba-gebadii  shirweynaha ka jeediyay khudbad kooban isagoo  u mahad celiyay ergadii ku dooratay sida aqlabiyadda ah,  wuxuuna  tilmaamay inaanu waxba kala hadhi doonin sidii uu uga midho dhalin lahaa urur siyaasadeedka wadani.
Shirweynihii kowaad ee Urur-siyaasadeedka Waddani oo ku dhamaaday jawi degan. Kadib markii uu shalay ka furmay Hoolka ugu weyn ee Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, kaas oo  ku socday jawi deganaansho ah, iyadoo ay wax baddan oo abuuri lahaa xafiiltan iyo loolan kusoo dhamaystay debeda . kadib markii ay hogaanka la doortay iyo xubno kale oo hunguri kaga jiray ilaa xalay ku jireen doodo iyo wadahadalo laysku qancinayo oo sababay ugu danbayntii inay rag baddan iyo haweenka qaarkood oo hunguri ku jirayba tanaasulaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *