Suldaan Daad Ku Qaaday Dooxa Dacarbudhuq  Iyo Wararkii U Danbeeyay Ee Deegaanka Shalay Dagaalku Ka DhacayHargeysa(Araweelo News Network) Salaadiin iyo Odayaal doonayay inay gurmad damin colaadeed iyo dilal ka dhacay deegaanka Gawsaweyne ee gobolka

 

Sanaag shalay ilaa xalay ayaa daad ku qaaday dooxa dacarbudhuq ee duleedka Hargeysa oo qoyaastii 60km ka xiga dhinaca Bari Magaalada hargeysa.

Sida ay shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews u sheegeen dadka deegaanku Salaadiinta iyo Odayaasha oo ay ka mid yihiin Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, Suldaan Bare Warsame Shire, Agaasimaha Hay’adda Tayada Cali  Cabdule Biikilo, madaxdhaqameed kale ayaa xalay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen daad ku qaaday dooxaa, balse waxa laga samata bixiyay qaarkood, iyadoo la layahay raq iyo ruuc Suldaan Bare Warsme Shire oo ilaa xalay la baadidoonayay.

Salaadiinta iyo Odayaasha oo doonayay inay gurmad ku tagaan dagaal shalay laba kooxood oo ka tirsan dadka deegaanka Gawsaweyne ku dhexmaray oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa weli ku xaniban duleedka Dooxa Dacarbudhuq. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xalay la filayay inuu u baxo deegaankaa ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ku xanibanyahay dooxyada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Dhinaca kale xaalada deegaanka dagaalku ka dhacay shalay ayaa saaka degan. Kadib markii shalay iska hor-maadka ay ku nafwaayeen 4 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 7 qof, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay xalay meel ka durugsan deegaanka dagaalku ka dhacay lagu dilay hal qof.

Wixii kasoo kordha wararkaa kala soco shebeladdaha arraweelon.com iyo Araweelonews,com

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *