Shirkaddaha Muranku Ka Taagnaa Ee Sahaminta Shidaalka Bariga Somaliland Oo La Hakiyay Hawshooda Iyo Sababaha Lala XidhiidhiyayOog(Araweelo News Network) Iska hor-imaad ka dhacay deegaanka Oog ee Laascaanood ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Kadib markii

 

deegaanka miyiga ee lagu magcaabo Godhayli oo qoyaastii 20km dhinaca woqooyi bari ka xigta Oog rabshad ku dhexmartay qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xooladhatada ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan inta uu leegyahay khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaa dhexmaray laba kooxood oo ka tirsan dadka deegaanka, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar qof ku dhinteen isku dhacaa, isla markaana tiro kale dhaacyo soo gaadheen.

Wararka ka imanaya deegaanka rabshadu ka dhacday ayaa sheegaya rabshadu ka bilaabantay kadib markii saaka lagu dilay Ceel ku yaal deegaanka Godhayli  oo Xooluhu ka cabaan Laba qof oo Nin iyo Gabadh ah, taas oo sababtay in laba kooxood oo dadka ay kasoo kala jeedaan dadkii dilka geystay iyo ehelada labada qof ee la dilay dagaal dhexmaray, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com in ay goobta gaadheen cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka ee ku sugan halkaa, balse ay xaaladu kacsantahay.

Xukuumadda Somaliland ayaan wax jawaab ah ka bixin rabshadaa, waxaana suurta gal noqonweyday marar badan oo aan isku daynay in wasiirka arrimaha gudaha aanu wax ka weydiino arrintaa iyo xukuumad ahaan waxay ka qabteen xaalada colaadeed ee dhacday deegaankaa.

Wixii warar ee kasoo kordha kala soco shebekaddaha arraweelo.com iyo Araweelonews.com

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *