Boosaaso (ANN) Suldaan ka mid ah madax dhaqameedka Boosaaso ayaa caawa fiidkii lagu dilay  agagaarka Huteel Juba ee Magaalada Boosaaso. Ka dib markii koox hubaysan oo aan la aqoonsani la beegsadeen tacshiirad rasaas ah. Suldaan

Ciise Xasan Cumar oo ka mid ahaa Odayaasha  golaha dhaqanka Gobolka Bari oo siwayn looga Yaqaaney Gobolkan Bari ee Magaalada Boosaaso waxa Caawa fiidkii  wax yar ka dib markii uu kasoo baxay  Salaadii Maqrib Masjidka Aq-saa oo ku dhow Huteel juba Ee Magaalada Boosaaso,  halkaas  oo ay Toogasho ku dileen  Dabley    aan la aqoonsan oo wejiga soo duubtay, kuwaas wararka qaar sheegayaan inay ahaayeen laba qof.
Magaalada Boosaaso ayaa todobaadyadii u  danbeeyay laga dareemayey Deganaansho ka duwan sidii ay ahayd bilihii u danbeeyay.  Sidoo kale Habeenkii xalay ayaa lugu diley Xaafada Cariga ee Shirkadii Hore ee Netco Agagarkeeda Wiil dhalinyaro ah, kaas oo sida ay wararku sheegayaan  toorey la geliyey.  Dilalka  ilaa xalay ka dhacay Boosaaso ee Suldaanka  iyo Wiilka dhalinyarada ah ayaanay ka hadlin maamulka Puntland, balse waxa jira dedaalo ay ciidanka Bilaysku ku doonayaan inay kusoo qabtaan cidii ka danbaysay dilalkaa
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *