London(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka abaaro 07:00 aroornimo ka soo degay garoonka dayuuradaha ee Caalamiga ah ee Heathrow, waxaana halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay

 qaar ka mid ah Jaalliyada reer Somaliland ee magaalada London , wakiilka Somaliland ee UK Axmed Cumar Sangoore, Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuule, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha caalamka iyo aqoonsiga Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee UK SSUK Axmed Daahir Cilmi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye UK Ibraahim Xuseen, gudoomiye-xigeenka Kulmiye UK Cabdo Bacow.

Booqashada madaxweynaha iyo weftigiisu ku yimaadeen dalkan Britain waxa ku weheliya marwada 1aad ee Somaliland Aamina-Weris Xaaji Maxamuud Jirde , Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, wasiirka qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, Chief of Cobinet-ka madaxtooyadda Xersi Xaaji Xasan iyo Xoghayaha gaarka ee madaxweynaha Cali Axmed Cali. Madaxweynaha Siilaanyo iyo weftigiisu inta ay joogaan dalka Britain  waxay  kulamo la yeelan  doonaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Ingiriiska, mudanyaasha Baarlamaanka, Shirkado ganacsi oo caalami ah iyo saaxiibada reer Somaliland. Sidoo kale waxa lagu wadaa in maalinta Sabtida ee bishu 27-ka Nov,2010, in ay kullan balaadhan la yeeshaan Jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan UK.
Jamhuuriya Online

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *