Boosaaso (ANN) Suldaan ka mid ah madax dhaqameedka Boosaaso ayaa caawa fiidkii lagu dilay agagaarka Huteel Juba ee Magaalada Boosaaso. Ka dib markii koox hubaysan oo aan la aqoonsani la beegsadeen tacshiirad rasaas ah. Suldaan
Ciise Xasan Cumar oo ka mid ahaa Odayaasha golaha dhaqanka Gobolka Bari oo siwayn looga Yaqaaney Gobolkan Bari ee Magaalada Boosaaso waxa Caawa fiidkii wax yar ka dib markii uu kasoo baxay Salaadii Maqrib Masjidka Aq-saa oo ku dhow Huteel juba Ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay Toogasho ku dileen Dabley aan la aqoonsan oo wejiga soo duubtay, kuwaas wararka qaar sheegayaan inay ahaayeen laba qof.
Magaalada Boosaaso ayaa todobaadyadii u danbeeyay laga dareemayey Deganaansho ka duwan sidii ay ahayd bilihii u danbeeyay. Sidoo kale Habeenkii xalay ayaa lugu diley Xaafada Cariga ee Shirkadii Hore ee Netco Agagarkeeda Wiil dhalinyaro ah, kaas oo sida ay wararku sheegayaan toorey la geliyey. Dilalka ilaa xalay ka dhacay Boosaaso ee Suldaanka iyo Wiilka dhalinyarada ah ayaanay ka hadlin maamulka Puntland, balse waxa jira dedaalo ay ciidanka Bilaysku ku doonayaan inay kusoo qabtaan cidii ka danbaysay dilalkaa
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380