Sana- Yamen(ANN) Dawlada Sucuudiga ayaa shuruud kaga dhigtay Madaxweynaha dalka Yamen Cali Cabdale Saalax oo dhaawac soo gaadhay inuu xilka ka dego, ka hor inta aanu dalka Sucuudiga usoo dirin  Shan xubnood ka mid ah madaxda ugu saraysa dalkaa  oo dhaawacyo halis ahi kasoo

gaadheen duqaynta madaafiic shalay lagu weeraray qasriga madaxtooyada, kuwaas oo maanta  loola cararay dhinaca dalka sucuudiga.
wakaalada  wararka ee Yamen oo loosoo gaabiyo SABA news agency ayaa sheegtay in inay masuuliyiinta loo qadaay dhinaca dalka Sucuudiga ay kala yihiin   Raysal wasaarihii dalka Yamen  Ali Mujawar; raysal wasaare xigeenkii Rashad al-Alimi, Sadeq Amin Abu Rasand oo ah gudoomiyahii golaha shuurada, Abdul Aziz Abdul Ghani, gudoomiyihii BaarlamaankaYahya Al-Raee; gudoomiye xigeenkii golaha shuurada Abdul Aziz Abdul Ghan.
Masuuliyiintaa ayaa lagu qaaday diyaarad khaas ah, iyadoo dhaawacyadoodu halis yihiin. kadib markii shalay salaadii jimce weerar madaafiic ah lala beegsaday masjid ku yaal qasriga madaxtooyada oo ay ku tukunayeen.
Madaxweyne Cabdale Saalax ayaa wararka qaar sheegeen inuu dhintay. kadib duqayntii halkaa ka dhacday shalay, balse xalay ayaa cod fariin ah oo laga sii daayay Telefishanka dalka Yamen oo lagu sheegay inay mid toos uga timi Madaxweynaha lagu sheegay in Madaxweynaha xaaladiisu fiican tahay, isla markaana wuxuu codkaa fariinta ah Cali Cabdale Saalax ku qiray dhaawa soo gaadhay isaga iyo masuuliyiinta kale, isagoo qiray inay Masjidkaa ku dhinteen Sheikh Ali Mohsen al-Matari oo tujinayay salaadii Jimcaha iyo ugu yaraan Afar ka mid ah ilaalada khaaska ah ee Madaxweynaha Yamen ayaa weerarkaa ku eedeeyay koox uu sheegay inay yihiin kuwo doonaya inay dalka qalalaase ka abuuraan, isagoo si gaara  dusha ugu saaray weerarkaa  hogaamiyaha diimeed ee kasoo jeeda qabiilka awooda badan ee hormoodka u ah mudaraharaadyada ka socda halkaa mudooyinkii u danbeeyay Sheekh Sadeq al-Ahmar.
laakiin Abdulqawi al-Qaisi. oo u hadlay kooxdaa Al-axmar ayaa sheegay inaanay shaqo ku lahayn weerarka lala beegsaday qasriga madaxtooyada.
dhinaca baaqyo kasoo baxaya beesha caalamka ayaa lagaga dalbaday inay dhinacyada dalka Yamen oo xaaladiisu khatar sii gelayso inay xabad joojin sameeyaan, iyadoo ay ciidamada dalka Yamen mudaharaadayaasha u geysteen weeraro dhaawac iyo dhimasho keenay. Madaxweynaha dalka Yamen Cali Cabadale Saalax ayaa dhowaan ku gacan saydhay soo jeedin xabad joojin ah oo ka timi dalalka Khaliijka, taas oo loogu damaanad qaaday inaan waxba loo raacayn haddii ay isaga iyo qoyskiisu si nabad ah xilka u wareejiyaan oo uga baxaan dalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *