Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme laba dabaq ah oo laga dhisay Xarunta Wasaarada Gaashaan dhiga Somaliland.Xaflad balaadhan oo loo sameeyay

furitaanka xadhigan waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada, Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Ilaalada xeebaha iyo saraakiisha ciidanka qaranka.
Wasiirka Gaashaan dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in dhismaha cusubi uu yahay qeyb mid ah balan qaadkii xisbiga KULMIYE ee la xidhiidhay in la horumariyo wasaaradaha xukuumadda Somaliland.
“Waxaan si gaar ah noo sharaf ah iyadoo la qiimaynayo waxqabadka ma aha dhismahan cusub iyadoo la qiimeynayo waxqabadkii uu balan qaaday xisbiga KULMIYE xiligii lagu jiray tartanka oo lagu balamay cid kastaaba meesha ay joogto inaanay waxna iibin waxna cid kale lagu wareejin, balse lagu dedaalo in dhismeyaasha xukuumaddu inaguma filee in wax lagu kordhiyay balantii noocaasi ahayd ayaanu fulinay qeyb ka mid ah. Wasaarado bandanna waa laga fuliyay,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan dhigu.
Wasiirku waxa uu sheegay in dhismihii hore ee wasaaradu uu qarka u saarnaa inuu dumo, waxaanu tilmaamay in dhismahani uu wax weyn ku soo kordhin doono shaqada wasaarada.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu aad ugu mahad naqayo wasaarada gaashaan dhiga iyo ciidamada qaranka oo xusay inay kaalin weyn kaga jiraan qaranimada Somaliland.
“Waxaan jecelahay inaan marka u horeysa aan bogaadin u soo jeediyay Wasiirka difaaca, shaqaalihiisa iyo ciidamada qaranka Somaliland oo ah wasaarad aad iyo aad muhiim ugu ah qaranka oo u taagan astaanta qaranka iyo difaaca dalka. Waxaan jecelahay waxaanu uga mahad naqaynaa cidii inaga caawisay dhismahan quruxda badan ee aad iyo aad u wanaagsan oo magacii iyo sumcadii Wasaaraddu ay ku lahayd qaranka kor u qaadaya,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Wasaarada Gaashaan-dhiga iyo ciidanka qaranka uga mahad celinayaan xilka weyn ee ay u hayaan qaranka Somaliland.
Md. Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu u mahad celiyay ciidamada Booliska, Ilaalada xeebaha iyo asluubta ee u taagan sugida ammaanka iyo xasiloonida Somaliland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo uu weheliyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo masuuliyiintii xafladaasi ka soo qeyb gashay waxa uu kormeer ku soo maray dhismihii hore ee duuga ahaa ee wasaarada Gaashaan-dhiga. Waxaanu xarunta wasaarada salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka qaranka

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *