DoollarWashington(ANN) Shirkaddaha Xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeeya dalka Mareykanka ayaa maanta dhammaantood joojiyay adeegga xawaaladaha lacagta. Kadib markii baananka Mareykanku ay diideen inay lacagtaa xawilaan. Iyagoo ku doodaya Baananku inay
fulinayaan qaanuunka dalka Maraykanka, isla markaana ay  u hogaansamayaan qaanuunka maaliyadda Mareykanka. Maadaama sida ay ku doodayaan Lacagaha laga xawilo qaarkood  la isdaba mariyo ama loo diro hey’addo,  ama xataa shakhsiyaad ku lug leh arga-gixisnimo. Sidaa awgeed  ay  yihiin mamnuuc in lacago noocaas ah inay xawilaan baananka Maraykanku.
Kumanaan Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka gaar ahaan Minnesota ayaa muujiyay dareenkooda ay ku diidan yihiin go’aankaa, waxay boqolaal ka mid ah dadkaa ooo mudaharaadyo ay ku diidan yihiin talaabadaa sameeyay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku canbaaraynayaan go’aankaa.
Warbaahinta aduunka ayaa qaarkood talaabadaa ku tilmaameen mid khaldan oo keeni karta macaluul hor leh oo ka dilaacda geeska Afrka, gaar ahaan bulshada Soomaalida iyo guud ahaanba Geeska Afrika, kuwaas oo  ehelkooda iyo saaxiibbadooda ka shaqeysta Mareykanku ay  lacagta u soo mariyaan sharikadaha Xawaaladaha sanad kasta malaayiin dollar.
Ilaa hada dawladda Maraykanku ma sheegin qorshe cad oo haddii nidaamkaa sidaa lagu joojiyo lagu bedelayo qorshaha lacagta bulshada Soomaalidu dadkooda lacagaha ugu soo diri jireen. Talaabadan waxa si weyn walaac uga muujiyay haya’ddaha gargaarka ee ka hawlaga Somalia iyo kuwa qaramada midoobay oo sheegaya inay talaabadni tahay mid horseedi karta macaluul iyo faqri soo waajaha bulashada Soomaalida ee dagaalada iyo macaluushu aafeeyeen oo taageero dhaqaalle ka heli jiray walaalohooda iyo eheladooda qurbaha ku maqan, gaar kuwa ku dhaqan dalka Maraykana ee laga joojiyay lacagaha laysugu  diro xawaaladaha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *