المفتى: إنشاء هيئة إفتائية متخصصة فى Qahira(ANN)Wakaaladda Wararka ee Dawladda Masar, ayaa sheegtay in Muftiga weyn ee dalka Masar  Sheikh. Cali   Jama    uu soo dhaweeyay iskaashi dhexmara Masar iyo Somaliland, kaas oo ku saabsan dardar-gelinta Shareecada iyo cilmi-baadhis dhinaca cadaaladda ah.Warka lagu daabacay

wakaalada ayaa lagu yidhi,  “Kulan Arbacadii 28/12/2011 ku dhexmaray wasiirka Madaxtooyada Somaliland Hirsi Cali X. Xasan oo booqasho ku jooga Masar, kadib ayuu Jumca sheegay in Aqalka Ifta ee Masar rajaynayo inuu ku tabaruco kor-u-qaadidda waxbarashada casriga ah ee Islaamka ee Somaliland.”  Waxa kale oo warkan lagu sheegay in Muftiga Masar si cad u bayaamiyay in Aqalka Ifta uu diyaar u yahay inuu u fidiyo taageero dhinacyada tababarka iyo toosinta ah si loo saxo fikradaha khaldan ee dhinaca diinta  Islaamka.

المفتى: إنشاء هيئة إفتائية متخصصة فى
Dhinaca kale Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Muna Cumar ayaa carabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay taageerida iyo dardar-gelinta xidhiidhka labada dhinac ee Somaliland iyo Masar, iyadoo sheegtay inay  dawladda Masar  xidhiidh la yeelanayso dhammaan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo si cad ay u iftiiminayso siyaasadda cusub ee ay raacayso wasaaradda Arrimaha dibadda Masar, isla markaana ay daruuri tahay inay Masar si xawli ah dib ugula soo noqoto doorkeedii ay ku lahayd Afrika.
Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska caanka ah ee Al- ahraam oo kasoo baxa dalka Masar, kaas oo wax ka qoray booqashada wasiiradda Madaxtooyadda iyo Arrimaha debeda ee Somaliland ku tageen todobaadkii hore Qahira. Marwo Muna waxay sheegtay inay taasi ka turjumayso sii xoojinta ammaanka guud qaranka Masar.

Wefdiga Somaliland mudadii ay ku sugnaayeen dalka Masar waxay  kulan la yeesheen  Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda Masar, Marwo Muna Cumar.
Wargeysku waxa uu warbixintiisan ku sheegay iyadoo siyaasaddaas cusub ee Arrimaha Dibadda raacaysa, ayey Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Marwo Muna wada-hadal la yeelatay wefti ka socda Somaliland, kaas oo ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac ka dhexeeya, isla markaana iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, Aqoonta Guud iyo dhinacyada kale ee kala duwan.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Marwo Muna waxay sheegtay in subaxnimadii Maalintii Salaasadda ay weftiga Somaliland oo ka koobnaa wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, la kulmeen wakiilada shirkadaha ganacsiga ee 10-ka Ramadaan, kadib markii weftiga Somaliland booqasho indho-indheyn ah ku tegay magaalada 10-ka Ramadaan oo ah magaalo Wax-soo-saar iyo ganacsi, waxaanay sheegtay in labada dhinac ku heshiiyeen in la dardargeliyo iskaashi ganacsi iyo wax-soo-saar oo dhexmara labada magaalo ee 10-ka Ramadaan iyo Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland, iyadoo ay qorshaysan tahay in carwo lagu soo bandhigayo wax-soo-saarka magaalada 10-ka Ramadaan lagu qabto magaalada Hargeysa bisha March ee sannadka soo socda.
wargeyska Al-Ahraam wuxuu warbixintiisa  ku xusay inay  Somaliland joogaan  ilaa 34 Masaari macalimiin ah oo ay dawladda Masar u soo dirtay Somaliland, isla markaana waxaa qorshaysan in dib loo soo celiyo Maktabadii ay Masar ku lahayd Hargeysa, taas oo la dhigi doono ugu yaraan 7,000 oo Buug.
Wargeyska Al-Ahraam waxa kaloo lagu  xusay inay wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali X. Xasan u sheegay inay sugayaan inay dawladda Masar ka taageerto Somaliland dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga, si ay Somaliland awood ugu hesho inay ka hortagto aafadda budhcad baddeeda ee ka jirta gobolka Geeska Afrika iyo sidoo kale la-dagaalanka Argagixisada iyo in xeebaha Somaliland laga difaaco inay budhcad baddeeda wax hawl-gal ah ka fuliso.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *