Beledweyn(ANN)Ciidanka Milateriga Ethiopia ayaa gacanta ku dhigay maanta Magaalada istiraatiijiga ah ee Beled Weyne oo ku taala badhtamaha Somalia. kadib markii ay weerar kusoo qaadeeen halkaa, iyagoo kaashanaya ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyn ayaa sheegaya inay ciidamada Ethiopia gacanta ku dhigeen. Kadib markii dagaal qadhaadhi ku dhexmaray iyaga iyo dagaalyahanka Al-shabaab oo magaaladaa ka talinayay sannadii u danbeeyay. dagaalka ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba, waxayna qaar sheegayaan in ilaa sodoneeyo dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba ay jiraan.
Dagaalka ayaa  socday mudo lix saacacdood ah, waxayna Ciidanka Ethiopia qabsadeen dhinaca Bari ee magaalada oo ay kasoo galeen magaalada iyagoo doonaya inay gacan ku haynta magaalada ku wareejiyaan ciidanka dawladda taagta daran ee Somalia.
Dhinaca kale warar hordhac ah ayaa sheegaya in Al-shabaab laga saaray magaalada Beledweyn, balse sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay dagaalka ku jebiyeen ciidamadda Ethiopia, balse ciidankooda mujaahidiintu xeelad milateri ay uga baxeen oo ay dib ugu soo laabanayaan.
Al-shabaab ayay hore gacantooda uga baxday caasimadda Muqdisho iyo Magaalooyinka waaweyn oo Koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya, Beledweyna waa magaaladii labaad ee ka baxda gacanta Al-Shabaab, balse lama garanayo in ciidanka Ethiopia ay u gudbi doonaan Buulo Berde iyo Baydhaba, ama ay sii joogayaan Beledweyn oo ahmiyad weyn oo istiraatiiyadeed  leh dagaalada ka socda Somalia.
Dhinaca kale Ciidanka Kenya oo isaguna bishii Oktoobar2011  duulaan kusoo qaaday  fadhiisimaha Al- Shabaab ee ku dhow soohdinta Kenya iyo Somalia wadaagaan ayaan iyagu ilaa iyo hadda aan gacanta ku dhigin magaalo weyn, waxayna duqaymo dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanada oo ay sheegeen inay xarumo ku leeyihiin Al-shabaab. laakiin meelaha ay duqeeyeen ee Kismaayo oo ah dekedda mihiimka ah iyo jubooyinka dhexe waxa khasaare kasoo gaadhay dad shicib ah oo qoxooti ah, kuwaas oo macaluusha iyo dagaalada ka taagan Somalia ka qaxay.
Tan iyo markii ay soo baxday inay Ciidamadda Ethiopia qorshaynayaan inay gelayaan Somalia waxa soo baxayay canbaarayn mujtamaca aduunka ah, iyadoo dawladda Ethiopia looga digay inay mar kale ciidmadeedu galaan gudaha Somalia sidii dhacday 2006, taas oo la rumaysan yahay inay taageero siinayso Al-shabaab, isla markaana abuuri karto xaalad dagaal oo ku fida gobolka.
.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *