Tripoli(ANN)Soomaali tahriibayaal ah oo tiradooda aan la xaqiijin ayaa si fuulxun loogu gubay nolosha. Kadib markii ay kooxo Libayan ah oo neceb ajaanibka ku qul-qulaya dalkooda ay ka heleen xuduuda ay wadaagan dalkaa Sodan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Libya dadkaa oo ubadnaa haween ay qaarkood siteen caruur yar yar  iyo dhalinayaro. Isla markaana tiradooda lagu qiyaasay dhawr iyo labaatan qof, ayaa koox dablay ahi ka heshay habeen hore gaadhigii ay saarnaayeen oo si qarsoodi ah doonaya inuu u galo dalkaa meel xadka gudaha Libya, waxayna ku gubeen gaadhigii ay saarnaayeen, kuwaas oo ku shuf beelay halkaa.
Lama inay jiraan dad ka samata baxay xasuuqaa aan hore noociisa loo arag ee lagula kacay dadkaa muhaajiriinta ah, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay jireen laba gaadhi oo kale oo ay wada socdeen dadka la haligay, kuwaas oo iyagu hore u galay dalka Libya, iyagoo maray dariiq aan ahayn ka ay mareen dadka la xasuuqay ee ay kooxda Libiyanka ahi heleen.
Gaadiidkaa iyo dadkii saarnaa ayaa ka mid ahaa kumanaan Somalia ah oo sanand walba tahriib ku gala dalka Libya, kuwaas oo la kulma inta ay jidka ku jiraan iyo marka xataa ay galaan dugaha dalka Libya xabsiyo iyo tacadi baddan oo ay kala kulmaan dalalka ay isaga talaabayaan ee Libya iyo Sodan..
Libya waa dalka ay Soomaalida iyo qowmiyado kale oo afrikaan ahi tobankii sanandood ee u danbeeyay si weyn ugu qul-qulayeen, kuwaas oo mararka qaar buuxiya xabsiyada dalalka Sodan iyo Libya, waxayna inta ay jidkaa dheer ee saxaraha ku jiraan la kulmaan dhibaatooyin baddan, iyadoo qaarkood loo qabsado adoonsi, gaar ahaan dumarka ,halka kuwo kalena dilal iyo dhac ay la kulamaan. Ka hor inta aanay naftooda ku biimayn madweynta midetrinanka oo kumanaan Soomaali ah iyo afrikaan kale oo doonayay inay galaan qaarada Yurub  ku haligmeen. Kadib markii doonyihii ay saarnaayeen ku qaraqmeen badda. magacayada dadkaa iyo wixii kasoo kordha haddii ay noo suurta gasho insha Allaah kala soco Araweelonews.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *