Abu Dubai(ANN) Madaxweynihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Col. C/llaahi Yusuf Axmed ayaa  saaka waaberigii ku geeriyooday cusbitaal  ku yaala Abu-Dubi . kadib markii xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaalka Sheekh Zaayid ee ku yaalla magaalada Abu Dabai ee dalka Imaaraadka

Carabta oo uu muddo ku jiray, isla markaana ay guuldaraysteen dhakhaatiirtu inay wax ka qabtaan caafimaadkiisa. Sida uu Idaacada BBc-da u sheegay C/rashiid Jaamac Seed oo mudo dheer lasoo shaqaynayay marxuumka, isla markaana ku sugnaa cusbitaalkaa.
 
C/rashiid Seed waxa uu sheegay in Marxuumka  xaalkiisa caafimaad adkaaday mudooyinkii u danbeeyay oo uu galay xaalad maqnaasho,  ama koomo ah, isagoo ka sheeganayay xanuun dhanka sambabka iyo kilyaha ah, taasoo keentay inuu xalay geeriyoodo.
 Marxuum  C/llaahi Yuusuf wixii ka dambeeyay markii uu xilka ka tegay wuxuu ku noolaa dalka Yemen, halkaas oo uu megengelyo siyaasadeed ku siiyay madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax, basle dhowaan ayaa madaxweynaha Somalia ee Sh. Shariid u weydiiyay dalka Imaraadka inay siiyaan deganaansho, halkaas oo uu mudooyinkii danbe u wareegay. Marxuumka ayaa 1995 dalka Britain loo geeyay xaalad caafimaad, iyadoo lagu sameeyay qaliin lagaga bedelay Beerka. sida uu sheegay C/rashiid Seed xanuunka uu  hada u geeriyooday wuxuu asiibay xiligii uu Baydhabo deganaa ee ay fadhiisinka u ahayd dawladiisa.

  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf wuxuu siyaasadda dalka iyo hogaanka ciidamada kusoo jiray muddo dheer oo ku dhow 50 sano, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo uu ka gaaray darajada Corneyl, hase ahaatee mar dambi uu mucaarad ku noqday dowladdii milateriga ayuu hogaamiye u noqday jabhaddii SSDF ee la dagaalantay dowladdii milateriga aheyd, islamarkaana Itoobiya taageera ka heli jirtay.
 
Xillgii la ridayay dowladda milateriga Jen. Max’ed Siyaad Barre C/llahi Yuusuf wuxuu ku xirnaa dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula dhacay cudur ka haleelay beerka kaasoo sababay in beerka laga badelo, waxaana markii la sii daayay uu tegay Puntland isagoo dagaal la galay kooxdii Al-itixaad Al-islaami, wuxuuna markaas kadib sandkii 1998-dii dhisay maamulka Puntland ee hadda halkaas ka jira, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulkaasi  yeesho.
 
Col. C/llaahi Yuusuf wuxuu ku guuleystay inuu Soomaaliya madaxweyne u nqodo sanadkii 2004. Kadib  markii Soomaalida dalka Kenya loogu qabtay shir muddo dheer socday, wuxuuna dalka Soomaaliya soo geliyay ciidamada Itoobiya bishii Decmeber ee 2006.
 
C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu aad u necbaa kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ee ku xiran Alqaacidda, wuxuuna ahaa nin hal adag oo go’aamadiisa ku  adkeysta. Waxaana intii aanay dawladiisu u wareegin magaaladda caasimada ee Muqdisho uu ka badbaaday qarax la doonayay in lagu khaarajiyo isagoo xiligaa ku sugnaa magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd maamulkiisa 18 Sep, 2006, qaraxaa oo ay ku gubteen gaadhigii uu saarnaa Marxuum C/llaahi Yuusuf iyo todoba gaadhi oo ilaaladiisa ahaa, waxaana ku geeriyooday sadex qof oo mid ka mid ahaa walaalkii, iyadoo dad kale khsaare dhaawacyo soo gaadheen.
 
Madaxweyne C/llahi Yuusuf intii uu ahaa madaxweynaha dowladda KMG ah waxey isku dhaceen ra’iisulwasaare Geedi, gudoomiyaha baarlmaanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo labadaba uu ku guuleystay inuu meesha ka saaro, markaa kadib waxay haddna iksu dhaceen ra’iisulwasaarihii xigay ee Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), markaasoo C/llahi Yuusuf cadaadis xoogan oo uga yimid beesha caalamka lagu kallifay inuu xilka ka tago dhamadkii sanadkii 2008.
Marxuum C/llaahi Yuusuf waxa  uu ahaa geesi Soomaaliyeed oo mudo dheer soo halgamayay, waxaana lagu tilmaami jiray nin mawquf adag oo aan gaban, isla markaana ku faana Soomaalinimada . Geerida marxuumka waxa ka hadlay dad baddan oo soomaaliyeed oo hogaamiyayaal milateri iyo siyaasiyiin isugu jira. Madaxweyna Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo mudo dheer ay halgan ku wada jireen C/llaahi Yuusuf, iyagoo kala hogaaminayay jabhadii  SNM iyo SSDF oo sideetanaadkii ku kacsanaa dawladii Maxamed Siyaad bare ee saldhigyada ku lahaa Ethiopia, ayaa ka hadlay geerida Marxuum C/llaahi Yuusuf. Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay geerida marxuum C/llaahi Yuusuf , wax lagu yidhi, ““Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ka tiiran-yeysan, waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed. Marxuumka  oo ku geeriyooday imaaraadka Carabta gaar ahaan Abu-Dubai 23/03/2012.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliya ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”
Sidoo kale Madaxweynah Dawlada taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif ayaa tcasi u diray qoyskii iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed, geerida madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf, wuxuuna sheegay inay guddi u magcaabeen aaska marxuumka si heer qaran ah loo aasayo, balse ma sheegin halka lagu aasayo iyo xiliga la aasayo, wuxuuna u weydiiyay ummada Soomaaliyeed in la cafiyo marxuumkaa ciddii wax ka tirsanaysay.
Dhinaca kale Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in sadex maalmood ay tacsi ku jirayaan C/raxmaan faroole oo ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntlan ayaa sheegay inay aas qaran u samaynayaan oo calanka maamulka la dejinayo sedexdaa maalmood.

Marxuumku  wuxuu  ifka uga tagay hal xaas, iyo afar caruur  ah oo kala ah labo gabdhood iyo labo wiil, waxaana maydkiisa loo soo qaadi doonaa Somalia. laakiin ilaa hada lama shaacin halka lagu aasayo.  Shebekadda Araweelonews, waxay dhanbaal tacsi ah u diraysaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo  guud ahaan shacbiga Soomaalida  ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed,   Waxayna Illaahay uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Sooomaalyeed   ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com 
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *