Boorama(ANN)Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Cismaan Xasan Mirre, ayaa si adag uga hadlay xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo uu sheegay inuu yahay nin Taariikh weyn ku leh Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay xadhigaa mid aargoosi ah oo aan  looga

 

fadhiyin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. 
“Dalkani wuxuu kusoo hanaqaaday  dulqaad iyo in laysku ixtiraamo qofku inuu hadlo, saxaafaduna ay xor noqoto, arrintu markaa waxay ku socotay in qofku jeedinkaro fekerkiisa iyo rayigiisa. Laakiin waxaad mooddaa maamulka maanta dalka ka jira aargoosi inuu ka muuqdo.  Waxa dhacay laba arrimood  ta hore Boqor Buur-madaw Taariikh ayuu ku leeyahay Somaliland, wax weyn ayuu qabtay wax baddan ayuu hawl qabtay oo dalkan magaciisa u dagaalamay debeda iyo gudahaba hawl fiican ayuu ka qabtay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Jamhuuriga oo ka hadlay xadhiga Boqor Cismaan
Gudoomiyaha Cismaan  Xasan Mirre oo ay kulan uu saxaafadeed uu kaga hadlay arrintaa ku qabtay Magaaladda Boorame, isagoo ay weheliyaan masuuliyiinta xisbgaa, waxa uu yidhi, “Boqor Buur-madaw rayigiisa xor ayuu u yahay, mana aaminsani inuu qaranimada Somaliland denbi ka galay,  qaabka loola dhaqmayn Boqor Buur-madaw waxaan leeyahay isaga  iyo dadkii uu Boqorka u ahaaba lama xushmayn, isagoo airport –ka kasoo degey ayaa la katiinadeeyay Boqorka, taas oo ah arrin aan waafaqsanay xoriyada muwaadinta iyo karaamadda muwaadin kasta uu xaqa qofku u leeyahay rayigiisa, wadadaana waxaan u arkaa mid casbi leh oo noqonaysa in lagu dhiirado salaadiintii dalka meel walba ha joogee.
Dawladda waxaan ka codasanaynaa inaynu ku noqono isu tanaasulkii,  qorigii waynu dhignay, hanjabaaddii waynu dhignay, waxaynu markaa usoo noqonay waa saxaafaddii iyo inuu qofku hadlo rayigiisa. Dawladii hore ayaa lagu xaman jiray aargoosiga ayay yaqaanaan,  dawladii Maxamed siyaad barre ayaa inoogu danbaysay, waynu kasoo gudubnay oo maanta waxaynu nahay Ummad ka tashata aayeheeda, qofka rayigiisa sheega la dhegeysto haday sax tahayna la qaato, hadday dacaayad tahayna in la samro ayaa waajib ah. markaa waxaan xukuumadda ka codsan lahaa oo jeclahay inaan u sheego Anigoo magacii Ururka (jamhuuriga ) ku hadlaya Madaxweynaha waxaan  leeyahay xushmaddii iyo sharaftii lagugu doortay xafiiskaagu yuu noqon xafiis sharafta iyo karaamadda ka qaada madax-dhaqameedka. Waxaana leeyahay arrintaasi dib halooga noqdo oo Boqor Cismaan xoriyadiisa haloo soo celiyo.”
Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si dhakhso ah sharciga u horkeento masuuliyiinta  loo xidhay Musuq-maasuqa, isagoo yidhi, “ waxanu oggnahay in maalin dhowayd la xidhay Gudoomiyihii Gobolka maroodi-jeex, Agaasimihii dib U dejinta iyo La taliyihii Madaxweyne xigeenka, waxaad moodaa in arrintaa buun-buunin baddan laga sameeyay, shacbiga  Somaliland waxay aad isula dhexmarayaan inay arrinta loo xidhay nimankaasi mu’aamarad tahay, hadday arrintaasi run tahay ma cadayn karo aniguye, waxaan ka codnayaa xukuumadda in baadhitaan dhab ah la sameeyo oo haday denbi leeyihiina maxkamad la hor keeno. Haddii baadhitaanku galo cid masuuliyiin ah in talaabadaa si masuuliyad ah oo sharciga loo simanyahay xukuumaddu u qaado” ayuu yidhi.
Wuxuuna xukuumadda usoo jeediyay inay qiimayso dhibaatooyinka iyo duruufaha dalka haysta  oo aan laagu darin dhibaato kale oo dadka kiicin karta. Laakiin aanay jawaabta xukuumaddu noqon mid qofkii la hadlaba xabsiga u taxaabta, isagoo xusay inaanu xadhigu ahayn xal, isla markaana ay xukuumaddu samayso tanaasulkii ummmadu halkaa kusoo gaadhay oo ay ilaaliso xoriyadda saxaafada iyo xaqa rayi dhiibashada, basle aanu xadhigu ahayn xal wax u taraya dalka dadka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *