Hargeysa (ANN) Xeerka Xadidaada Mushaharooyinka Madaxweynaha, Madaxweyne xigeenka iyo Golayaasha sharci dejinta oo mudo toban sanadood ka badan yaalay golaha wakiilada ayaa markii u horasay la horkeenay oo miiska lasoo dhigay. Balse  ka hor

intii aan mudanayaashu guda gelin dooda Xeerkaa waxa soo baxay warar sheegaya inuu xeerku yahay mid mudanayaashu ku doonayaan sidii ay mushaharooyinka iyo gunooyinka u kordhisan lahaayeen, taas oo si weyn uga cadhasiisay rayalcaamka bulshada.
 Hase yeeshee Xeerkan ayaa maanta markii u horaysay doodiisu ka bilaabantay golaha wakiilada, kaas la filayo inuu si fiican u  iftiimin doono  markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ee ay Golayaashu si cad Ummadda ugu soo bandhigaan qadarka lacagta ah ee ay Mushaharka u qaadan doonaan Masuuliyiinta ugu saraysa Dalku, iyadoo xukuumaddii hore marar badan hor istaagtay inay mudanayaasha wakiilada ee sharci dejintu guda galaan xeerkaa, ama miiska lasoo dhigo, balse ay waqtigan xukuumadda cusub u arkeen mid la jaanqaadi karta samaynta iyo dhamaystirka xeerarka mihiimka ah.  Hadaba Nuqul ka  mid ah Xeerkaa qabyada ah oo weli mooshin ah, maadaama aanay goluhu u bedelin sharciyan Xeer oo lagu sharaxay ujeedada waqtigan loosoo qadimay iyo qadarka mushaharooyinka iyo gunooyinka masuuliyiinta qaranka sida madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Shir gudoonada labada gole iyo mudanayaasha Lacagta Masuul kaasta loo qoondeeyay oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu:-wuxuu u dhignaa sidan:-
Madaxweyne:                                                                               65,000,000 sh/sl
Madaxweyne ku Xigeen:                                                              45,500,000  sh/sl
Gudoomiye Guurti                                                                          11,050,000 sh/sl
Gudoomiye ku Xigeenka 1aad Guurtida                                         8,450,000 sh/sl
Gudoomiye ku Xigeenka 2aad Guurtida                                         7,150,000 sh/sl
Gudoomiyaha Golaha Wakiilad                                                        9,750,000  sh/sl
Gudoomiye ku xigeenka 1aad Wakiilada                                                8,450,000. sh/sl
Gudoomiye ku xigeenka 2aad Wakiilada                                               7,150,000  sh/sl
Mudanayaasha Golayaasha Xeer Dejinta                                  6,500,000. sh/sl
Mudanayaasha Mooshinkan keenay waxay u cuskadeen Xeerkan Qoddobo Dastuuri ah oo ay ku sheegeen inuu iyaga siinayo Awooda soo gudbinta, iyagoo yidhi,
Annaga oo tixraacayna Distoorka JSL Qodobadiisa:
38aad.faq.1aad oo tilmaamaysa awoodda Xeerdejinta Baarlamaanka iyo in Awoodaasi aanay cid kale u wareegi karin;
Qod.1aad faq.2aad oo muujinaysa in Awooda iyo Karaamada Qaranimadu uu leeyahay Shacabku,
Qod. 39aad iyo Qod.55aad oo tilmaamaya in awooddaa iyo hantida Shacabkaba uu Wakiil ka yahay Golaha Wakiiladu,
In “ habaynta Nidaamayada Dhaqaale iyo lacageedba “ ( qod.54aad.faq.4aad) ay ka mid tahay awoodaha u gaarka ah Golaha Wakiilada;
Faq.3aad  xarafka (t) oo tilmaamaya inay ka mid tahay hawlaha ugu muhiimsan Xilgudashada Baarlamaanka in Jamhuuriyada Somaliland yeelato  dhamman Xerarka ay u baahan tahay;
Anaga oo ka soo tallabo-qaadanay xaqiiqada ah in aanay jirin xeerar jidaynaya ama xadaynaya Mushaharooyinka iyo Gunooyinka:
Golayaasha Xeer Dejinta Qaranka
Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka
Madaxda kale ee Qaranka sida ay waajibinayaan Qod. 47aad, 65 iyo 87aad 98aad farqadiisa 3aad iyo Qodobo kale;
Annaga oo yaqiinsan kana duulayna baahida loo qabo in la xadeeyo lana cayimo Mushahaaryooyinka, Gunooyinka iyo Xuquuqda kale  ee ay yeelanayaan Madxada Qaranku, si loo adkeeyo ku-dhaqanka mabaadiida asaasiga ah Dimuqraadiyada  ee wada Xisaabtanka iyo daah-furnaanta ( accountibility and trancparency) Jamhuuriyada Somaliland.
Annaga oo aaminsan inay tahay waajibaadka aasasiga ah ee Golaha Wakiilada;
Sidii loo xakamayn lahaa musuqmaasuqa, xoojinta iyo toosinta maamul-wanaagga iyo ku –dhaqanka sharciga ( Good Governace and rule of law )
Annaga oo cuskanayna raacaynana xeer-hoosaadka Golaha:
Qod.3aad oo muujinaysa in Goluhu” u xilsaaran yahay dejinta, hubinta iyo dhowrista sharciyada Dalka..”;
Qod.37aad faq.1aad iyo 2aad oo banaynaya in mudanayaashu ay xaq u leeyihiin inay Golaha soo hordhigaan soo-jeedinno (motions), hadii ay tiradoodu dhantahay kow iyo toban (11) xubnood, soo-jeedintuna qoraal tahay:
Waxaanu Golaha soo hordhigaynaa una soo jeedinayna inuu ka doodo, ansixiyona xeerka xadaynta mushaharooyinka iyo gunooyinka ( kaasoo aanu u qaybinay laba qaybood oo isku lifaaqan) iyo xuquuqda kale ee ay yeelanayaan:
a)      Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland
b)      Madaxweyne – ku –Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland
c)      Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Jamhuriyada Somaliland
d)      Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland
e)      Guddomiye –ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Guurtida Somaliland
f)        Gudoomiye –ku – xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland
g)      Xubnaha Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland
h)      Xubnaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland
i)        Xubnaha Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland
j)        Iyo Madaxda Sar sare ee Qaranka

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *