Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka ku saabsan mooshin wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo ay ku dalbanayaan in loo kordhiyo  Mushaharooyinka, balse waxa

 

 uu xusay inay lagama maarmaan tahay in la helo xeer kala xadaynaya mushaharooyinka masuuliyiinta qaranka.  
Guddoomiyahu wuxuu sidaa ku sheegay mar ay maanta Saxaafadu wax ka weydiisay mooshinka kala xadaynta Mushaharooyinka ee Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, shirgudoonada labada golle (Guurtida iyo Wakiilada) iyo mudanayaasha laba Baarlamaanka oo doodiisu ka bilaabantay gollaha wakiilada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waa Waajib Mushaharooyinka in la qeexo Dastuurkana way ku jirtaa waxa weeyaan Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo labada Golle cid kale oo ku jirta Anigu ma ogi. Mushaharkuna maceeshadu kolba siday tahay inay saamayso ayay ahayd. Waxaana mar walba sal u ah hadba miisaaniyadaada iyo dhaqaalahaagu sida uu yahay.sanadkan waad ogtihiin oo xukuumadda cusubi dayn waxay dhaxashay dayn miisaaniyadeed oo dhawr bilood ah wax way bixiyeen oo way dedaalaysay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gollaha Guurtida, wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi,  “Waxaan leeyahay miisaaniyada aynu la jaan qaadno oo aynu daynkan miisaaniyadeed ka baxno waxaan soo jeedinayaa oo aan qabaa in Goleyaashu ay dib u dhigtaan. Lix biloodka dambe ee sanadka 2011-ka aan Wasiirka Maaliyada nidhaahdno warbixin na sii markaa dib u eegis halagu sameeyo. Waxa la doonayaa inay Xildhibaanadu duruufta dalka qiimeeyaan waxa inaga weyn shaqaaleweynihii iyo Ciidamadii.inta aragtidaydaasi la qaatana waan jeclahay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gollaha Guurtida.
Sidoo kale Guddoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo la weydiiyay sida uu arko in loo fulin karo barnaamijkii xisbiga Tallada haya ay sheegeen xiligii olalaha doorashada inay 300% u kordhinayaan ciidamada iyo Shaqaalaha dawlada waxa uu ku jawaabay “Barnaamij xisbi doorasho ku jiray iyo awooda qaranku waa kala jaad, Aniguna waan ogolahay in mushaharooyinku kordhaan. Ma filayo in Maxamed Xaashi Wasiirka Maaliyadu uu diidan yahay in mushaharku kordho,  balse waxa la yidhi hadba sidii aad u jabto ayaa loo dhitiyaa awoodeenu inta ay tahay uun baan wax ku qabsanaynaa.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *