Hargeysa(ANN)Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa sheegay in aanay  ku dhuftay wararka sheegaya in 11 nin oo muddo loo haystay falal budhcad badeednimo lagu sii daayay,  amar uu bixiyay madaxweynaha Somaliland.

 
Mr. Xasan oo daba socday war cadadkii maanta ee wargeyska Waaheen ku soo baxay ayaa sheegay in aanu warkaasi sal iyo raad toona lahayn, waxaanu tilmaamay in uu ahaa mid ka madhan anshaxa saaxafada,  isla markaana aan lahayn source cad oo lagu qanci karo.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayay qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isagoo yidhi, “Aniga ayaa saaka isugu kiin yeedhay si aan uga hadlo war been ah oo ku soo baxay wargeyska waaheen, warkaas oo ahaa mid  been ah waxa uu wargeysku yidhi xukuumada madaxweyne siilaanyo oo budhcad badeed uu xukun ku dhacay sii daysay, waxa aan idiin sheegaya in warkaasu uu yahay mid been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, khamiistii maxakamada sare waxa ay soo saartay xukun la xidhiidhay  niman budhcad badeed ahaa kuwaas oo ahaa  13 Nin,  isla markaana ay ku jireen 11.gacanta ku xukuumada.’’

Xeer ilaaliyahu isagoo sharaxaad ka bixinaya arrintaa, wuxuu yidhi, “Nimankaas marka hore waxa lagu soo qabtay in ay ahayeen budhcad badeed laakiin markii ay maxakamadu xukuntay waxa ay ku soo saartay keliya in ay ku soo xad gudbeen biyaha dalkeena, markaa xukunka marka hore waxa ku riday maxakamada gobolka saaxil, kaas ayaana lagu sii daayay ee ma jiro cafis uu madaxweynuhu u fudiyay.”

 
Wuxuuna warbaahinta ugu baaqay inay wararka noocaa ah, ka hor  inta aanay ummada u baahinin kala  xidhiidhaan cida uu khuseeyo warku si aanay  u limin dhexdhexaadnimada wararku.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *