Hargeysa (ANN) Kalfadhigii 13aad ee golaha wakiiladda Somaliland oo todobaadkii hore si rasmi ah uga furmay hoolka sare ee dhismaha xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa noqday mid ay hadheeyaan sawaxan iyo buuq qaradar kooban ka taagnaa madasha. Kadib markii

mudanayaashu isku maan dhaafeen soo jeedinta hadal uu madasha ka jeediyay gudoomiyaha golaha C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo ahaa in Ajandaha laga saaro Xeer No, 14 oo ka hadlaya furashada Ururada siyaasadeed.
Qodobada oo ka kooban yahay Ajanduhu oo ay mudanayaashu maalmihii lasoo dhaafay ka doodayeen sidii wax loogu kordhin lahaa,  ama wax looga saari lahaa ayaa mar keliya waxa   madashii Golaha ka aloosmay buuq iyo sawaxan,  ka dib  markii shirguddoonku sheegay inay ka saareen ajandaha qodobka  xeer No, 14 ee la xidhiidha  in dib u eegis lagu sameeyo furista ururada Siyaasada.
Fadhigii maanta oo ay kasoo  xaadireen   46 mudane, wuxuu  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro, oo furitaankii hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay xukuumada cusubi  u soo jeedisay inay Aqalka Wakiilada u soo gudbinayaan heshiisyada ay la galaan shirkadaha iyo dawladaha shisheeye, si ay u xalaaleeyaan sharcinimadooda.
 
Hase yeeshee Guddoomiyuhu wuxuu mudaneyaasha ku wargeliyay in soo jeedintii ku saabsanayd dib u eegista furista ururada siyaasadu tahay qadiyad qaran oo u baahan in wada jir looga arrinsado, sidaa  darteed ay go’aamiyeen in ajandaha kal-fadhigan laga  saaro. Laakiin  markii ay weedhahaasi kasoo baxeen gudoomiyaha waxa  fadhigii hadheeyay buuq iyo sawaxan socday muddo, waxaana mudaneyaal badani ay Guddoomiyaha culays ku saareen inuu ku darro ajandaha qodobka dib u eegista  xeer No:14 oo ah xeerka furashada ururada siyaasada. Taasi oo khasab kaga dhigtay shirgudoonka inaan ajandaha laga saarin xeerkaa.
Markaa kadib waxa duuduub loogu  codeeyay ajandahaa in sidaa lagu ansixiyo gebi ahaanba  ajandaha, iyadoo 38 Xildhibaan ogolaaday ajandaha buuqu ka dhashay ee kalfadhiga 13-aad ee Golaha Wakiilada, 6 Mudane ayaa ka aamusay, cid diiday may jirin, guddoomiyuhuna muu codayn. Sidaana waxa ku ansaxay ajandihii horyaalay golaha ee kalfadhiga 13aad.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *