Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland iyo maamul-gobolleedka Puntland, ayaa is-weydaarsaday maxaabiis muddo dheer ku xidhnaa xabsiyada Somaliland oo loo haystay falal budhcad badeednimo iyo muwaadiniin u dhalatay Somaliland  oo iyaga iyo gaadiidkooduba

 ku afduubnaayeen dhinaca Puntland.
Munaasibad lagula kala  wareegay maxaabiistaa iyo dadka iyo gaadiidka madax furshada loogu haystay dhinaca Puntland ayaa maanta ka dhacday Deegaanka Gambadha ee duleedka magaalada Laascaanood, taas oo ay kasoo qayb galeen  masuuliyiin ka socotay labada dhinac, isla maraakana ay goobjoog ka ahaayeen Odoyaal, Cuqaal iyo Saraakiil ka tirsan Labada Dhinac.
  Xukuumadda  Somaliland waxay Maamulka Puntland ku wareejisay 11-Maxbuus oo Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ka soo qabqabteen Badda, kuwaas oo maxkamadda gobolka Saaxil ku riday xukuno kala duwan, iyagoo mudo  ku jiray Xabsiga Mandheera.
Dhinaca Maamulka Puntland ayaa iyagu ku wareejiyey Somaliland todobada Gaadhi  oo ah nooca Xamuulka Qaada iyo shan qof oo Dareewalo ka ahaa Gaadiidkaa, kuwaas  oo muddo badan u Afduubaanaa dhinaca Maamulka Puntland. Maxaabiista  lays-weydaarsaday, ayaa kuwa reer Somaliland oo ah ganacsato shicib ah waxa madax-furqasho loogu heystay Gobolka Mudug, waxaana qafaashay kooxo ay isku hayb yihiin  kooxda loo haystay budhacd badeeda,  halka  kooxda budhcad-badeedka ah ee maanta la sii daayay ay ciidammada Somaliland ka soo qabteen xeebaha Badda.
Dhacdadan, ayaa noqonaysa tii ugu horraysay nooceeda ee dhexmarta Somaliland iyo Puntland, marka laga reebo maxaabiis dagaal oo labada dhinac hore isu weydaarsadeen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *