Hargeysa(ANN) Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Deegaanka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa maanta si weyn ugu hadlay qoraal la sheegay inuu ku carqaladayno dhoofka xoolaha Somaliland Ganacsadaha Carbeed Alla Yaasir, waxanu Wasiirku sheegay inay qoraalkaa ka warhayaan oo uu maqlay. Balse

wax dhibaato ah aanu u geysan Karin dhoofka Xoolaha Somaliland ee ka dhoofa dekedda Berbera.
 
Warkan oo todobaadkan ay aad u daabaceen Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Ayuu Wasiirku sheegay in aanu hubin inuu qoraal dhab ah oo uu qoray Ganacsadahani yahay iyo in kale. Balse hadii uu jirana aanu wax dhib ah u keeni Karin dhoofka Xoolaha Somaliland iyo Caafimaadkooda mid-na.
 
Wasiirku waxa uu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ugu waramayey qaar ka mid ah warbaahinta madax-banaan ee dalka, isagoo sidoo kalena wax laga weydiiyay heshiiskii xukuumadii hore dhoofinta xoolaha kootada ugu xidhay ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri.
 
 
Dr. Odey oo ugu horeyn arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Horta waxaan idiin sheegayaa intaa warkaa aad maqasheen waanu maqalay, laakiin waxa uu sheegay wax weyn oo dhibaato inoo leh maaha,   waa wax iska caadi ah xanuuno yar yar oo laga dawayn karo xoolaha ayuu yidhi. Haddii aad haysaan in Carabkaasi Alla Yaasir uu qoray qoraalkaasi  waxaan u malaynayaa inay cid kale jaraa’idka iskaga qortay. Haddiise uu qoray Alla Yaasir waa ninkii Dekada Jabuuti madaxda ka ahaa ee yidhi xoolaha Somaliland ha laga dhoofiyo Dekada Jabuuti. Haddii markii uu arkay in xoolaheenii ka dhoofayaan dekadeena uu is leeyahay ka carqaladdee way dhici kartaa. Laakiin nasiib wanaag waxa meesha ku qorani waa wax fudud, ninkaasina inuu qoray ma hubo.”
 
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Deegaanka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, isaga oo ka hadlaya labada ganacsade ee carbeed wuxuu  yidhi “Horta labadan ganacsade ee Al-jaabiri iyo Alla Yaasir waxa ka dhaxeeya  xurguf  waana laba nin oo suuqa dhoofka xoolaha isku eryaya. Jaabiri waxa  Maxjarka Berbera ku kalifay inuu sameeyo markii ninkaa kale maxjarka Jabuuti ku cuno-qabateeyay. Xiligan wax kooto ah oo dhoofka xoolaha ka jiraa ma jirto, nin kasta oo Ganacsade ahi xooluhu way u furan yihiin oo maxjarkana waa loogu caafimaadinayaa xoolihiisa, waana lagu eegayaa waanu ka dhoofsan karaa. Sayladaha Xoolahana xiligan caadi ayaa looga iibsadaa oo waxa la ii sheegay inay niman Carbeed intay Saylada tagaan ayay iibsadaan xoolaha,”ayuu yidhi Wasiirka Xooluhu.
 
“Heshiiskii in loo cusboonaysiiyo ma uu codsane’e Anagaaba u yeedhnay waayo heshiiskaaba Anagu (Xukuumada cusub) kuma qanacsanin oo waxaanu doonaynaa in heshiiskaasi wax laga bedelo sida ugu dhakhsaha badana waxaanu go’aan ku gaadhnay in loo yeedho.” Sidaas waxa ku jawaabay Dr. Axmed Xaashi Cabdi oo la weydiiyay in Aljaabiri oo xukuumaddii hore ay kooto ugu xidhay dhoofka xoolaha Sucuudiga inuu ka soo dalbaday xukuumadan cusub in la jidiidiyo heshiiskii hore iyo in kale.
 
Wasiirku wuxuu sheegay in hada loo siman yahay Maxjarka Xoolaha ee Berbera iyadoo hore looga caban jiray cadaalad darro badan iyo cabashooyin la xidhiidha Maxjarka xoolaha.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *