Hargeysa(ANN) Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekeddaha, Dr. Maxamed Yaasiin Xasan ayaa shalay ganafka ku dhuftay digreeto uu wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ku magcaabay Xisaabiyaha  Dekedda Berbera.

Sidaana waxa shebekada wararka ee araweelonews u xaqiijiyay  xalay saraakiil ka tirsan wasaaradda Maaliyadda oo ka gaabsaday in magacooda la isticmaalo.
Masuulka uu wasiirka maaliyaddu u magcaabay Xisaabiyaha guud ee Dekedda ayaa magaciisa lagu sheegay Mustafe Wadaad, balse markii digreetada xafiiska wasiirka Maaliyadda gaadhay maamulka iyo saraakiisha Dekedda oo ogaysiin lagu siiyay ayuu wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo maamulka Dekeddaha oo magcaabistaa lala socodsiiyay jawaab qoraal ah si deg deg ah uga bixiyay.
Wasiirka Maamulka Dekeddaha Dr. Maxamed Yaasiin ayay warar xog ogaali u xaqiijiyeen shebekada araweelonews inuu ka cadhooday magcaabista wasiirka Maaliyaddu Dekedda ugu soo magcaabay Xisaabiyaha, isla markaana wuxuu qoraal jawaab ah oo uu ku sheegayo inaanay  khusayn magcaabista Xisaabiyaha usoo gudbiyay wasiirka maaliyadda oo aanay magcaabista xilkaa lahayn wasaaradda maaliyaddu, taas oo uu masuuliyiinta maamulka dekedda ku war geliyay inaanay aqbalin qoraalkaa hore ee magcaabista.
Masuuliyiinta labadan wasaaradood ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa isa soo tarayay khilaaf hoose oo ku saabsan maamulka iyo awoodaha wasaaraddaha  ay masuulka ka yihiin, waxayna maalmihii lasoo dhaafay isku maandhaafeen dakhliga lacagta dekedda, taas oo wasiirka maaliyaddu digreeto ku sheegay inay wixii lacag ah wasaaradda maaliyaddu maamulay, isla markaana aanay jirayn lacag wasaarad kale qaadayso, balse waxa arrintaa si weyn uga cadhooday wasiirka maamulka dekeddaha iyo Badda, kaas qorshahaa wasiirka maaliyadda ku tilmaamay mid faragelin ah.
Iyadoo wixii mudadaa ka danbeeyay khilaafka masuuliyiinta labada wasaaradood isa soo tarayay, isla markaana talaabadan hada ee labada masuul isku maandhaafsan yihiin ayaa u muuqata mid khatarteeda leh, taas oo sabab u noqon karta khilaaf horleh oo saamayn ku yeesha laamaha dakhliga ee dalka iyo guud ahaanba dekedda Berbera, haddii aanu Madaxweyne Axmed siilaanyo kala jihayn masuuliyiintaa.
Maamulka shebekada araweelonews wuxuu ka raali gelinayaa akhristayaasha saacadii hore warkan akhristay  kahalad madbici ah oo kusoo baxay, kaas oo ahaa xilka la magcaabay inuu sax ku yahay Xisaabiyaha guud ee dekedda, balse aanu ahayn khasnajiga. Sidaa awgeed waxaanu ka raali gelinaynaa mar labaad akhristayaasha saacadii hore nasiibka u yeeshay inay warkan akhristaan. Ka hor intii aanaan ku samayn dib u sixid. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

 

Araweelonews Somaliland Office           

E-mail; Info@araweelonews.com

 jaamac132@gmail.com

 shalcaw2@hotmail.com

 

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *