Hargeysa(ANN)Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Md Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal), ayaa maanta ka hadlay muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu afduubay Magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, kuwaas oo uu   sheegay

 inaanay xukuumada Somaliland  ilaa hadda garanayn sababta raggaas loo afduubtay.
Col, Cilmi Rooble Furre, waxa kale oo uu ka hadlay wasiiro iyo ciidamo badan oo xalay la geeyay caasimadda gobolka Awdal, isagoo xusay in laga cabsi qabto inay mudaharaado halkaas ka dhacaan, sidaa awgeed ciidamada loo kordhiyay si looga hortago.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland waxa kale oo uu sheegay inay ragga u shaqaynayay shirkada isgaadhsiinta ee Nation-link aanay ogayn markii ay Hargeysa ka tagayeen, balse ay ogaadeen markii lagu afduubtay Magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag “Qolada shirkada Nation-link ka socotay ee halkan (Hargeysa) ka tagtay anagu maanaan ogayn markii hore runtii, waxaanse aanu maqalay in Laasqoray lagu qabqabtay odayaalna ay u kaceen Laasqorayna aan la dhaafin gurigana ay fadhiyaan qolada qabsatayna ay meesha ku hayso, intaas oo kaliya ayaan ka ogahay.” Ayuu yidhi Md Kabaal.
Ugu dambayn taliye Kabaal waxa uu tilmaamay in raggaas soo dayntooda lagu jiro, imika ay ka hawlgaleen odayaal reer Somaliland ah oo dagan deegaanka lagu afduubtay ee Laasqoray.
Wargeys-yadda Saaka Hargeysa ka soo baxay ayaa qoray in ragas la afduubtay ay daba socdaan sii dayntii raggii budhcad badeeda ahaa ee xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo dhawaanta ku badalatay rag lagu haystay gudaha Puntland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *