i Muqdisho(ANN)Ciidamada Burundi oo qayb ka ah ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho, isla markana gacanta siiya dawladda taagta daran ee  Somalia ayaa qirtay khasaare ballaadhan oo kasoo gaadhay dagaalo aad u qadhaadh oo saddexdii maalmood ee

 

u danbeeyay ka socday magaalada muqdsho, kuwaas  oo u dhexeeyay xulufadooda   iyo kooxda Al- shabaab ee kasoo horjeeda.

Sidaana waxa  lagu sheegay war kasoo baxay saraakiisha ciidamada Burundi ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo qirtay  dhimashada Lix Askari oo ka tirsan ciidamada Burundi, oo ku dhintay dagaaladii saddexdii maalmood ee u  danbeeyey ka socday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa la sheegayaa in dagaaladan ay ku dhaawacmeen ugu yaraan  12-askari oo ka tirsan ciidamada Amisom oo maalmihii ugu danbeeyey ay dagaal adag iskaga horyimaadeen kooxada Al-shabaab.

 

Xulufada dawladda taagta daran ee Somalia iyo ciidmada AMISOM ayaa guula ka sheegtay dagaalka labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday goobo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyagoo ku dooday inay Al-shabaab ka qabsadeen fadhiisimo ay hore u deganaayeen sida dhismaha wasaaraddii gaashaandhiga ee Somalia iyo wadada mihiimka ah ee Wershedaha.
Dhinaca  kale kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in aanay jirin fadhiisin laga qabsaday, isla markaana   waxay soo bandhigeen askari ka tirsan ciidamada Burundi ay oo qabteen iyo maydadka shan askari oo Al-shabaab sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada Burundi, kuwaas oo ay sheegeen inay ku dileen  maalmihii u danbeeyey ka socday Muqdisho.

Dagaalada Muqdisho ayaa lasheegayaa inay gaysteen  khasaare badan oo naf iyo maalba leh, waxana weli ciidamadii dagaalamayey isku horfadhiyaan aagagii dagaaladu ka qarxeen, mana jirto ilaa iyo hada  koox si dhaba u guulaysatay dagaalka, iyadoo dagaalka ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisiho  meelaha uu ka dhacay saamayn weyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Sidoo kale dagaalo ayaa sidan ooo kale ka dhacay  Beled Xaawo oo ka tirsan Geddo, isla markaana  ku taala xadka u dhow dhinaca Ethopia iyo Kenya iyo sidoo kale magaalada mihiimka ah ee Beledweyne, iyadoo wararka qaar sheegayaan inay dagaalada ka dhacay Beled-Xaawo ay ciidamada dawladda taagta daran iyo kooxda wadaada ee ehlu suna wal jameeca gacan siinayeen ciidmada dawladda Ethopia.

Masuuliyiinta dawladda taagta daran ee Somalia ayaa sheegay inay kooxda A-shabaab ka safaynayaan gudaha magaalada Muqdisiho iyo deegaamada kale ee ay ku sugan yihiin, balse kooxda Al-shabaab ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay ka saarayaan waxay ugu yeedheen cadawga kusoo duulay Somalia meel walba oo ay joogaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland  Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *