Hargeysa(Araweelo News Network) Dadka isticmaala addeegga dhinaca Internetka ee ay bixiyaan shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland ayaa la il-daran mushkilado

 

dhinaca isticmaalka Internetka ah, kuwaas oo isticmaalka khadka Internetka kala kulma dhibaatooyin joogta ah iyo cilado soo noq-noqda oo soo waajaha xiliyada ay isticmaalayaan Ineternetka.

Cabashoyinka isa soo taraya iyo dhibaatooyinka soo noq-noqda eek a taagan isticmaalka Internetka ayaa noqday kuwo aanay jawaab waafiya u helin shirkaddaha inta badan addeegga Internetka bixiya, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin labada shirkadood ee Telesom Iyo Somtel, balse taa bedelkeeda waxay shirkaddahini sameeyaan xayaysiisyo ay dhinaca warbaahinta maqalka iyo muuqaalka u adeegsadaan oo ku sheegayaan inay hayaan addeegyo tayo leh, isla markaana Internetkoodu yahay mid xawaare ku socda, balse dadka sida tooska ah u isticmaala addeeegga Internetka ee shirkaddahaa maaha kuwo ku qanacsan muuqaalada xayaysiiska ah ee ay sameeyaan shirkadduhu, waxayna u arkaan kuwo dhalanteed ah, “aad ayaan ula yaabaa markaan arko sida ay xayaysiisyada shirkadduhu uga fog yihiin xaqiiqda dhabta  ah, sababtoo ah maaha kuwo si dhab ah uga turjumaya xawaaraha dhinaca Internetka ee shirkaddaha aanu isticmaalo, waxaana usoo jeedin lahaa inay is waafajiyaan addeeagga ay bixinayaan iyo muqaalka xayaysiiskooda.” Sidaa waxa yidhi  Nimcaan Axmed oo ka mid ah  dhalinyarada inta badan isticmaala Internetka.

Dadka isticmaala addeegga internetka way sii kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa, waxayna u badan yihiin dhalinyarada, kuwaas  oo intooda badan ka isticmaala Tefenoonada Mobile-da  gacanta, laakiin mushilad weyn ayaa jirta dhinaca Isticmaalka, taas oo ah addeegga oo diciif ah oo xawaarihiisu aad u liito, waana mushiladda ugu weyn ee caqabada ku ah dadka isticmaala internetka. Sidaa waxa tidhi Hana Axmed Macalin oo ah Gabadh Sixifiyad ah oo ka mid ah dadka inta badan isticmaala Internetka,isla markaana  nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto dadka warbixin weriyayaal  ka socda shebekaddaha arraweelo.com iyo Araweelo news wax ka weydiiyeen mushaakilka ay la kulmaan dadka isticmaala addeegga shirkaddaha Internetka ee Somaliland.

Gabadhaa  Suxufiyada ah Hanna,  mar la weydiiyay waxa maskaxdeeda kusoo dhaca marka ay aragto xayaysiisyadda shirkaddaha addeegga Internetka iyo Telefoonadda  ee warbaahinta laga sii daayo, waxay  tidhi, “waxan u arkaa xayaysiisyadda  kuwo aan ku dhisnayn xaqiiq aniga ayaa is weydiiya marka aan shaashadaha iyo shebekaddaha Online-ka ka arko, xiliga ay addeegga sidan ah bixiyaan shirkadduhu, waxaanse isugu jawaabaa malaha waa dal kale oo aan ahayn Somaliland halka ay addeegyadan ka bixiyaan”  ayay tidhi Hanna .

Sidoo kale—————- la soco

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *