Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Weerarkii Qaraxa Muqdisho Ku Dhaawacen Sarkaalka Hay’adda CIA Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Bariga AfrikaHargeysa(Araweelo News network) Madaxweyne Siilaanyo  oo todobaadkii lasoo dhaafay Magcaabis iyo isku bedel ku sameeyay inta badan Agaasimayaasha

 

Wasaaraddaha iyo Hay’addaha qaarkood, ayaa la filayaa inuu soo saaro isku shaandhayn, Magcaabis iyo xilka qaadis  la xidhiidha Hay’addaha Garsoorka dalka, Saraakiisha Booliska, Sirdoonka Iyo Hay’addo oo kale oo madax-banaan.

 

 

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda  oo  la xidhiidha isku shaandhaynta iyo magcaabista qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilanyo ee la xidhiidha Madaxda Hay’addaha Garsoorka,  Saraakiisha Hay’addaha amaanka iyo masuuliyiin kale, balse ila wareedyo ku dhow qasriga Madaxtooyadda ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Siilaanyo qorshaynayo isku magcaabista Masuuliyiinta Hay’addahaa oo qaarkood daaqada laga saarayo, iyadoo kuwo cusubna la filayo in loo magcaabo xilalkaa, isla markaana ay suurta galtahay in isku bedel lagu sameeyo masuuliyiintaa.

Xoggaha la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaado Gudmoomiyaha Maxmakadda Sare  Yuusuf Ismaaciil Cali, isla markaana   u magcaabo Gudoomiyaha Maxkmadda Sare C/raxmaan Jaamac Hayaan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Hay’addaha garsoorka, isla markaana waqtigan ah Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Saaxil, kaas oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka dhinaca garsoorka sumacada weyn ku leh.

Sidoo kale waxa wararka la xidhiidha qorshaha isku bedelka iyo magcaabista masuuliyiinta hay’addahaa ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in Xeer-ilaliyaha Guud ee Qaranka loo magcaabo  Cismaan Ibraahin Daahir (Cismaan Fanax) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda gobolka, isla markaana xilal kala duwan oo dhinaca garsoorka ah kasoo qabtay maxmakadda gobolada Saaxil iyo Togdheer.

Hadalhaynta magcaabista Cismaan Fanax ee xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa soo baxday bishii lasoo dhaafay,  balse warar kale ayaa sheegaya in xilkaa loo magcaabayo ku xigeenka xeer ilaaliyaha Guud  Aadan Axmed Muuse (Aadan Xera-dhiig), kaas oo hawshaa sii haya, isla markaana waxa  magcaabista xeer Ilaaliyaha guud lala xidhiidhiyay kadib markii Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka Xasan  Axmed  Aadan mudo dheer fasax ugu maqnaa dalka Britain, isla markaana ay suurta gal noqonweyday  inuu kusoo labto dalka si uu shaqdiisa u guto.

Masuuliyiinta kale oo la filayo in Madaxweyne Siilaanyo isku bedel iyo magcaabis ku sameeyo ayaa xoggaha arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan inay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” iyo  Taliyaha Ciidanka Boolsika Somaliland  General  C/llaahi Fadal Iimaan, kuwaas  oo laysku bedelayo. Sidoo kale Taliyaha Hay’adda sirdoonka Qaranka  Jaamac Maxamed Bootaan ayaa la filayaa in xilka laga qaado, iyadoo xilkaa loo magcaabayo  Sarkaal  lagu magcaabo Buurdhaab oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu khibrada badan ee  ka jooga Sirdoonkii qaranka ee Somalia, balse xoggo kale ayaa tibaaxaya in ay suurta gal tahay in Madaxweyne Siilaanyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka u magcaabo wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/llaahi Cirro.

Sidoo kale isku shaandhaynta, magcaabista iyo xilka qaadista  la filayo in Madaxweyne Siilaanyo saacadaha soo socda, ayaa qayb ka ah isku shaandhayn uu dhowaan ku sameeyay Golihiisa wasiiradda iyo sidoo kale Agaasimayaasha iyo haya’addaha madaxa-banaan, waxaana la filayaa in Hay’addaha Madaxa-banaan qaarkood oo ka badbaaday isku shaandhayntii iyo xilkaqaasitii ugu danbaysay ee Madaxweyne Todobaadkii hore ay hada seeftu saarantahay, kuwaas oo wadnaha farta ku haya, isla markaana qaarkood durba usii diyaar garoobeen sidii ay xamaamtooda uga urursan lahaayeen xafiisyadda ay maamulaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *