Hargeysa(Arraweelo News)Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in  ay xayiraadii ka qaaday duulimaadyadii diyaaradaha qarramadda midoobay

 

ee ay 15-kii bishii May  ay kusoo rogtay xayiraadda. Kadib markii is maandhaaf dhexmaray qaramada Midoobay iyo Somaliland.

 

 

Sidaana  waxa maanta shaaca ka qaaday Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay madaarka Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay ka dambaysay ka dib heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ka gaadheen maamulka hawadda waxaanu yidhi “Heshiiska ka soo baxay wada hadaladii Turkiga waa mid abuuri karta jawi lagu maamuli karo hawada Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi wasiirka Duulista oo faahfaahin ka bixinayey sababta xayiraadda u qaadeen, waxaanu intaas ku daray “Aniga oo ku hadlaya magaca xukuumada waxaan idiin sheegayaa in Somaliland ay dib u qiimaysay duulimaadyadii ay xanibtay ee qaramada miboobay, anaga oo ka duulayna heshiiskan hor dhaca ah, baahida loo qabo danaha adeegyada bulshada maanta laga bilaabo waxaanu ku dhawaaqaynaa inaanu dib u furay duulimaadyadii qaramada miboobay.”

 

Wasiirku waxa uu sheegay in markii ugu horeysay ay maamulada hawadda Soomaaliya iyo Somaliland gacanta usoo gali doonto gacmo Soomaaliyeed, kuwaas oo maamuli doona, waxaanu tilmaamay inay heshiishkii Turkiga laga gaadhay maamuladda hawadda ay soo dhoweynayaan, isla markaana ay si wada jir ah shir u wada gali doonaan saddexda dhinac ee hawshani khusayso Somaliland, Soomaaliya io Qaramadda midoobay.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay shaqaalihii reer Somaliland ee ka hawlgali jiray xafiiska Nairobi ay madaaradda Somaliland shaqadda ka bilaabi doonaan, taas oo uu ku tilmaamay  inay guul u tahay labadda dhinacba heshiishka laga gaadhay maamulidda hawadda sare ee Soomaaliya iyo Soomaaliya.

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay dib u dhac ku yimi furista madaarka Hargeysa oo ahayd in bishii hore ee jun 20 keedii in la furo, “Mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa oo ahayd inaanu furno 20 bishii june dib ayuu nooga dhacay waxaana sababay duruuf farsamo,waxa ku yimid dhibaatooyin doora kuwaas oo ay ka mid ahaayeen roobabkii guga oo ku keenay dib u dhac”ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka cirku.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *