Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka barqadii  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda dalalka hormoodka ka ah deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinacyada geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka

oo waqtigan qorshaynaya inay door mihiim ah  ka qaataan horumarka Somaliland.
 Wefdigaa oo ah mid balaadhan ayaa  shalay markii ay kasoo degeen dhabaha diyaadaraha ee magaalada Hargeysa durbadiiba bilaabay inay booqashooyin iyo kulamo ku kala bixiyaan xarumaha Ha’yadaha dawlada iyo goobo ganacsi oo gaar loo leeyahay, waxayna saaka kulan dheer kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland xafiiskiisa, halkaa oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlay xaalada dhinacyada dhaqaalaha, amaanka, xidhiidhka dalalka jaarka iyo waxyaabaha ay qabatay mudadii koobnayd ee ay xukuumadiisu jirtay.
Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo qudbadiisa ku sheegay fulinta balanqaadyadii uu sameeyay xiligii ololaha kaanbaynka doorashada Madaxtooyada ee 26 Jun, 2010, wuxuuna ku bilaabay hadalkiisa sidan;-   “Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda JSL iyo ka shacbiga Somaliland, waxaan dhamaan martidiina sharafta leh ku soo dhawaynayaa dalkayaga. Joogi-taankiina aad nala joogtaan maanta waxa uu muujinayaa rabitaanka iyo taageerada Bulshada caalamku ugu diyaar garawday in dalkayaga gacan ka siiso dedaaladda ay ku abuurtay deganaanshaha, bulsho dimuqraadi ah oo nabdoon oo ku yaal gobol lagu yaqaan wareer siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo kooxo argagaxiso ah oo wax baabiiya iyo budhcad badeeda caalamiga ah. Inkastoo arrintani nagu tahay carqalad, balse hadana ma aha mid aan guul laga gaadhi Karin.
Xukuumaddaydu waxay jirtay in ka badan laba bilood, hadana marka laga tago ta amaanka oo culayskeeda leh, wuxuu maamulkayga cusubi dhaxlay xaalad ku dhawaatay Iflaas oo gaadhay heer ilaa Mushaharkii shaqaalaha laga waayo Baanka muddo bilo ah iyo deyn baaxad leh oo laga amaahday ganacsatada, maanta waxaanu samaynay dhinacaasi horumar la taaban karo, waxana la hagaajiyay ururinta dakhliga, iyadoo lala dagaalamayo musuq maasuqa, isla markaana la joojiyay isticmaalka kharsahyada aan daruuriga ahayn, sidoo kale waxaanu wadnaa isbedel lagu horumarinayo shaqaalaha dawladda iyo duruufahooda shaqaba.
Ololayaashayadii doorashada ka hor, waxaanu balan qaadnay inaanu musuq maasuqa la dagaalami doono, soona magacaabi doono guddida la dagaalanka musuq maasuqa oo xiddida u siiba wixii musuqa iyo guddida tayaynta Qaranka, labadiiba waanu fulinay.
Waxaanu hore u nidhi, waxaanu dadkayaga u abaabuli doonaa sidii qof kasta oo muwaadin ahi uga qayb qaadan lahaa horumar inta qaranimo iyo wax u qabashada bulshadiisa, anagoo taa ka duulayna waxaanu abaabulnay ololihii ugu horeeyay ee lagu nadiifinayay magaalooyinka, laguna hagaajinayay deegaanka.
Dhinaca adeega bulshada, waxaanu hore u ballan qaadnay inaanu dhamaystirno Biriijka labaad ee Hargeysa, jidka afarta kiiloomitir iyo badhka ah ee Dilla iyo Boorama iyo Xabsiga Hargeysa, waxana saddexdaa mashruuc haatan ka socda dhismihii lagu gaadhayay yoolkaasi.
Waxaan ku gaadhnay ballamahaas oo dhan oo iska leh mahadooda taageerada iyo hawl-karnimada ay si baahsan u soo bandhigeen dadkayagu laga bilaabo Baarlamaanka, Wasiiradda, Ganacsatada, Shaqaalaha Dawladda iyo Muwaadiniinta caadiga ah.
Aragtiyadda aan hiigsanaynaa waxay tahay inaan dhisno dal madax-banaan, amaan ah, xasiloon, nabad kula nool dariskiisa, dimuqraadi ah oo barwaaqaysan, Waddan Muwaadin kastaana kartidiisa adeegsan kara mustaqbalkana xaqiijin karo, iyadoo ay intiina soo aragtay carwadda caalamiga ah ka markhaati yihiin curinta reer Somaliland.
Istraatiiji ahaa waxa uu dalkayagu ku yaalaa meel uu door muhiim ah ka ciyaari karo amniga, xasiloonida iy dimuqraadiyaynta gobolka iyo ka shisheba, waana door aanu ballan qaadayno inaanu ciyaarno, hase yeeshee hiigsigayagaa iyo doorkayagaa kama ilaalin karno guul darro, sidaa darteed waa inaan idhaahdo weli waxaanu waajahaynaa dhibaatooyin adag oo dhaqaale, bulsho, siyaasadeed iyo caqabado nabad gelyo, balse waxaanu aaminsanahay in aanay jirin dhibaatooyin aanaan ka gudbi karin, hadaanu helno dhiiri gelinta iyo gacan qabashada aanu u baahanahay.
Meelaha kale ee aanu ballanqaadnay inaanu wax ka qabano caddaaladaa ka mid ahayd. Anagoo tilmaamnay in dastuurka la ilaaliyo iyo in la dhawro xuquuqda dastuurku siiyay muwaadiniinta , waxaan soo saaray Digreeto Madaxweyne oo lagu tirtirayo guddidii Nabad Gelyadda ee qayrul dastuuriga ahayd iyo in la sii daayo muwaadiniinta xukunka deg deg ah ku xidhnaa ilaa ay Maxkamadi ku cadayso inuu dambiile yahay.
Waxa ay Somaliland xidhiidh fiican la wadaagta dalalka deriskeeda sida Itoobiya iyo Jabuuti, kaasoo ay jeceshahay in la sii wado oo uu jiro, si ay u sii jirto nabad gelyada gobolku, loona sii fidiyo xidhiidhka ganacsi iyo dhaqaale ee Gobolka.
Ugu dambayn, dalkan waa dal nabad ah oo dimuqraadi ah oo Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Dawladaha Hooseba loogu soo doortay doorashooyin xor iyo xalaal ah, sharcigu cid kasta ka sareeyo, waddooyinkana ay buuxaan caruur lebisan oo sita buugaag oo tagaya dugsiyada oo ka caagan hub la qaato oo dagaal lagu galo, sidaa darteed waxaanu u baahanahay taageeradiina. Ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo. 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *