images/stories/astaanka tv-qaranka somaliland.bmp  Hargeysa (ANN)Telefishanka qaranka somaliland ayaa hawada soo galay caawa kadib markii uu laba habeen ka maqnaa hawada, isla markaana lagu guulaystay in lasoo celiyo dawashadiisa. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay qaar ka mid ah hawl wadeenada ka hawlgala xarunta Tv-qaranka ee magaalada Hargeysa.

“waa lagu guulaystay in hawada lagu soo celiyo Tv-ga qaranka”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah warfidiyeenada ka hawlgala xarunta. Cilada ku timi Telefishanka Qaranka ayaa ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee uu hawada kaga baxo  tan iyo markii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale dalka ka hirgelisay sannadkii 2004-dii. Iyadoo ay xukuumadii Rayaale u adeegsan jirtay dacaayadaha axsaabta mucaaridka iyo borobagaandooyinka siyaasadeed oo uu si qaawan u baahin jiray.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *