images/stories/agaasimaha horseed media.bmp  Garoowe(ANN)Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa Maanta Xukun deg deg ah ku fulisay Agaasimihii Idaacada Horseed Media oo Shalay Galab Laga Taxaabay Isagoo ku sugan Goobtiisi Shaqada kadib markii Lagu eedeyay Wareysi ay Idaacadu la yeelatay Sheekh Maxamed Siciid Attam oo Hogaamiya malayshiyada  dagaalka kula jirta maamulka Puntland.

C/fataax Jaamac Mirre oo ah Agaasimaha Idaacada Horseed Media ayaa Maanta Si kadisa loo horkeenay Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari kadib Markii ay Ciidamada Boolisku  soo qabteen isaga iyo 7 katirsan Shaqaalaha Idaacadaha islamarkana lagu eedeeyay in ay Wareysi ka qaadeen Sheekh Maxamed Siciid Attam.
Maxkmada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa Saaka Xukun Lix Sano ah ku riday Agaasimihii Idaacada Horseed Media C/fataax Mirre iyo $500 oo doolorka Mareykanka oo ganaaxa Waxayna ku eedeysay in ay Idaacadiisu Wareysi ka qaaday Sheekh Maxamed Siciid Attam,  islamarkana uu Guulo ka sheegtay dagaaladii uu habeen hore la galay Ciidamada Maamulka Faroole.
Wareysiga sheekh Maxamed Siciid Attam Markii uu ka baxay Idaacahada Horseed Media waxa durbadiiba halkaa  gaadhay Ciidamada Booliska ee Maamulka Faroole, kuwaas oo Albabada u laabay Idaacada. Kadibna xabsiga u taxaabay Dhamaan Shaqalihii Idaacahada, balse saacado ka dib ay sii daayeen Shaqaalihii  oo ay la hadheen Agaasimihii Idaacada Horseed Media C/fataax Jaamac Mirre.
C/fataax  Jaamac Mirre Ma jirin Qareen u doodayay Markii ay Maxkamadu Xukumaysay Waxaana dhamaan Laga ilaaliyay in ay soo booqdaan Qosykiisa iyo Asxaabtiisa Wuxuuna u Muuqday Xukuniisu Mid qarsoodiya yadoo Islamarkiiba Maxkamada la keenay, qaabka loo xukumay weriyahaa ayay dadka Puntland ku tilmaameen mid dhaqan ahaan ku cusub puntland in sidaa degdega ah loo xukumo qofka, isla markaana loo diido qareen u dooda. Xukunka Agaasimaha Idaacahada Horseed Media C/ftax Jaamac Mirre ayaa kusoo beegmay kadib Markii Shalay galab ay Wareysi la yeelatay Idaacaadiisu Hogaamiyaha Ciidamada iIaalinta Deegaanka Galbeedka Gobolka Bari  Sheekh Maxamed Siciid Attan.
Xadhiga C/fataax Jaamac Miire ayaa Waxaa Cambaareeyay dhamaan Warbaahinta Soomaalida Gudaha iyo dibada Waxayna ku tilmaameen Mid Lagu Afduubayo Warbaahinta Xorta ah Waxayna Mamaulka Puntland ugu baaqeen in Shuruud la’aan ay ku siidaayaan Wariyahaa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *