Hargeysa(ANN)Gudida diiwaan gelinta ururradda Siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada tartankii Ururada iyo axsaabta qaranka ee doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 Nov 2012, taas marka laga yimaado

xildhibaanada golayaasha deegaanka la doonayay inay kasoo baxaan sadexda xisbi ee tobanka sanadood ee soo socda hogaamin doona siyaasada Somaliland.

Munaasibad balaadhan oo ay gudida ka saarista Ururada iyo axsaabta qaranku ku qabteen maanta  Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxay ku shaaciyeen sadexda xisbi qaran ee usoo gudbay xisbiyo qaran, iyadoo ay xafladaa ka qaybgaleen Hoggaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee lagu dhawaaqay ee  KULMIYE, WADDANI iyo UCID, kuwaas oo masuuliyiintoodu  Gudida diiwaan gelinta kaga gudoomeen shahaadadii  ay ku noqon lahaayeen xisbiyadda qaran.

Go’aankii Gudida diiwaan gelintuna wuxuu u qornaa sidan:-

1. In xisbiga KULMIYE lixda gobo lee dalka dhammaan kaga gudbay 20%, sidaasna ku noqday xisbi Qaran 10-ka sanno ee soo socda, sida uu cadaynayo qodobka 6-da faqradiisa 2aad ee Xeer No 14/2011.

 

2. In Xisbiga UCID iyo Ururka WADDANI u gudbeen xisbiyo Qaran iyagoo buuxiyay shuruudaha ku qeexan qodobka 6-da faqradiisa 2aad ee Xeer No n14/2011, sidaas ayaanay ku noqdeen xisbiyo
Qaran 10-ka ee soo socda.

3. Ururrada UMADA, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN umay gudbin xisbiyo Qaran,  iyadoo aad la socotaan in dastuurku cadeeyay inuu dalku yeelanayo saddex xisbi oo kaliya, sidaa awgeed, ururrada UMADA, RAYS, XAQSOOR iyo DALSAN kumay guulaysan inay noqdaan xisbiyo Qaran.” ayay ku yidhaahdeen qoraalkooda.

Dhinaca kale sadexda Urur ee usoo baxay axsaabta qaranka ee tobanka sanadood ee soo socda, kuwaas oo laba ka mid ahi yihiin sadexdii xisbi ee hore u jiray, kuwaas oo kala ah Kulmiye iyo UCID, balse xisbiga kusoo biiray saaxada siyaasada ayaa ah Xisbiga Waddani oo galay kaalintii uu ka baxay xisbiga UDUB, waxaana meesha ka baxay Ururada UMMADDA, DALSAN, Xaqsoor, Rays, kuwaas oo qaarkood xukuumaddu geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay sidii aanay xayndaabka usoo galeen.

Sadexda xisbi Marka laga yimaado xisbul xaakimka Kulmiye ee usoo gudbay markii labaad xisbi qaran, waxay labada xisbi ee kale UCID iyo WADDANI xiliggii ololaha u muuqdeen kuwo gacan saar dhow la leh xukuumadda oo ay dad badani rumaysan yihiin inay midig iyo bidix iska taagayaan xukuumadda Kulmiye, isla markaana aanay ahayn kuwo aan laga filayn inay buuxiyaan kaalintii xisbi mucaarad ah. sidaa darteed waxay natiijada gudida diiwaangelinta Ururada iyo axsaabtu noqotay mid saaxada soo dhigtay sadexda xisbi ee hogaamindoona siyaasada Somaliland tobanka sandood ee soo socda, kuwaas oo muqaalkoodu yahay muxaafidiin mataano ah oo meesha ka saaraya in la arko xisbi mucaarad ah oo saamayn ku yeesha siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mudooyinka soo socda muujiya doorkii mucaaradka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *