cmmmBerbera(ANN)Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga  Kulmiye C/raxmaan C/qaadir iyo Maxamud Siciid Muxumed oo ahaa Wasiirkii Ciyaaraha ee xukuumaddii Daahir Rayaale, ayaa ciidanka Booliska Somaliland ka reebeen diyaarad ay doonayeen inay ka raacaan

 

Madaarka Magaalada Berbera, kuwaas oo doonayay inay safar ugu baxaan dhinaca dalka Somalia ee magaalada Muqdisho.

Muj. C/raxmaan C/qaadir iyo Maxamuud Siciid oo xiligga la xayiray ku qornaa Diyaaradda Jubba oo ay duulimaadkeedii maanta u raaci lahaayeen Magaaladda Muqdisho, balse Sirdoonka Somaliland oo kaashanaya Boolisku ka reebeen ayaan ilaa hada la ogayn sababta loo xayiray safarkooda.

Qaar ka mid ah Ehelada C/raxmaan Cabdiqaadir ayaa u sheegay shebekada araweelonews.com in C/raxmaan iyo Ninka wasiirka ahaan jiray oo ay shandahoodu saarnaayeen diyaaradaa laga reebay ee ay doonayeen inay ku safarkaan, isla markaana aanay ilaa hada ogayn sababta xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu kacday falkaa.

C/raxmaan C/qaadir waxa uu dhawaan safar kan la mid ah ku tagay magaaladda Muqdisho, kaas oo qaar ka mid ah qoyskiisu ku sheegeen inuu ahaa safar dano shaqsi ah oo la xidhiidha arrimo ganacsi, balse aanu ahayn mid siyaasadeed.

dhinaca kale dad goob joog ah ayaa u sheegay shebekada wararka ee araweelonews.com in wasiirkii hore ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid markii lagu qabsay madaarka Berbera lasoo baxay warqad ka hadlaysa ujeedada safarkiisa oo Madaxweyne Siilaanyo u qoray, balse masuuliyiinta sirdoonka ee gobolka Saaxil iyo saraakiisha Booliska ayaa ku gacan saydhay qoraalkaa inay aqbalaan, kuwaas oo u sheegay in aanay khusayn warqadaasi.

C/raxmaan C/qaadir ayaa hore looga saaray xisbiga Kulmiye ee xukuumadda oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii toban sanadood ka hor sameeyay, taas oo ka danbaysay kadib markii uu dhaliilo u jeediyay xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo, balse waxay dhaliilahaasu noqdeen kuwo ay xukuumaddu dhibsato, iyadoo markaa wixii ka danbeeyayna qaab foolxun looga saaray shirkii ugu danbeeyay ee xisbiga Kulmiye oo ka dhacay Maansoor, kadib markii loo adeegsaday ciidanka ilaalada Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed  Nuur Carraale oo maalmo ka hor waqtigaa xilka loo dhiibay, isagoo hore uga tirsanaa xubnaha golaha wakiilada ee xisbigii UDUB.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *