Jubba(ANN) Muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee ku sugan Koonfurta Sudan ee xarunteedu tahay Jubba, ayaa ka fursan waayay inay khasab ku qaataan Baasaboorka dawlada Federaalka ee Somalia. kadib markii ay Dawlada Koonfurta Soodaan dalkeeda ka masaafurisay

qaar ka mid ah muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee haytsa Baasaboorka Somaliland todobaadkii hore.

Talaabadaa oo ka danbaysay  kadib markii ay dawlada Jubba soo saartay sharci sheegaya in dadka ajaanibka ah ee ku sugan dalkeedu iska diiwaan geliyaan xafiiska laanta socdaalka ee dalkaa, taas oo keentay inay muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan dalkaa ee haysta Baasaboorka Somaliland ay waayeen xafiis ka caawiya mushkilada soo waajahday, iyadoo gebi ahaanba dawlada Jubba joojisay Fiisayaasha ay ku bixin jirtay Baasaboorka Somaliland oo boqolaal muwaadiniin u dhashay Somaliland ay hore ugu siisay fiisayaal ay dalkeeda ku joogaan.

Hase yeeshee dhowaan la joojiyay fiisayaasha lagu bixin jiray Baasaboorka Somaliland iyo in dib loogu fiiseeyo dadka sita Baasaboorka Somaliland, iyadoo safaarada dawlada Somalia ee ku sugan Jubba xafiisyada laamaha socdaalka ee Koonfurta Soodaan ka dhaadhicisay in aanay aqbalin dadka Soomaalida ah ee aan qaadan Baasaboorka Somalia, isla markaana ay joojiyaan fiisayaasha ay ku bixin jireen Baasaboorka Somaliland, taas oo carqalad ku noqotay dhawr boqol oo muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ganacsi iyo shaqooyin kale ku haysta dalkaa. 

Shebekada wararka ee Araweelonews.com, ayaa todobaadkii hore baahisay mushaakilka haysta muwaadiinta Somaliland ee ku sugan Koonfuurta Soodaan, kuwaas oo qaylodhaan usoo dirtay xukuumadda Somaliland, isla markaana ugu baaqay xukuumaddooda inay arrintaa oo ay ku eedeeyeen safaaradda dawlada Somalia kala hadasho dawlada Jubba, balse aanay waxba iska bedelin xaaladda oo ay ugu yaraan inta la ogyahay  tiro  sadex muwaadiin oo haysta Baasaboorada Somaliland  labadii maalmood ee u danbeeyay laga masaafuriyay koonfurta Soodaan, isla markaana la joojiyay Fiisayaasha lagu dhifan jiray bil walba Baasaboorka Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi oo wargeyska Jamhuuriya oo soo xigganayay waraka  lagu baahiyay shebekada wararka ee araweelonews.com, ayaa todobaadkii hore ku dooday inuu arrintaa ka warhayo uu kala hadlay dawlada Jubba, balse waxa muuqata in aanay jirin talaabo xukuumadda Somaliland ka qaaday mushkilada siyaasadeed ee soo waajahday in ka badan 350,000 (sadex boqol iyo konton kun) oo qof oo u dhashay Somaliland, kuwaas markii ay jawaab ka waayeen xukuumaddooda ay khasab ku noqotay inay qaataan Baasaboorka Somalia ee safaarada dawlada Somalia ku leedahay halkaa ku khasbayso.

Maxamed Maxamuud Jibriil oo ka mid ah muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee ku sugan  caasimada Koonfurta Soodaan ee Jubba oo shebekadda wararka ee araweelonews.com caawa wax ka weydiisay xaalada, ayaa sheegay in ay qaar badan oo ka mid ah muwaadiinta Somaliland ee ku sugan dalkaa oo haystay Baasaboorkooda Somaliland, ay hada khasab ku noqotay inay qaataan Baasaboorka Somalia ee ay diidayeen, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ilaa intii arrintani soo baxday waxa inta aan ka warqabno laga masaafuriyay dalka sadex qof oo u dhashay Somaliland oo loo diiday in Fiisaha la siiyo markii uu ka dhacay kii hore loo siiyay oo ahaa hal bil oo keliya, waxa kale oo jira qof kale oo madaarka laga celiyay. kadib markii loo diiday Fiisaha.”
Maxamuud Jibriil wuxuu sheegay in arrinta la doonayo in lagu khasbo Baasaboorka Somalia ee lagu diiday in fiisaha lagu bixiyo,ama lagaga joojiyay Baasaboorka Somaliland uu ka danbeeyay Xoghayaha kowaad ee safaaradda Somalia ku leedahay Jubba oo lagu magcaabo Guuleed Cigge, kaas oo sida uu sheegay keligii maamusha safaarada Somalia ee halkaa, iyadoo safiirka dawlada Somalia ugu qoran safaarada ay ku leedahay Jubba ku maqan yahay dalka Swedan.

Maxamed Maxamuud Jibriil, waxa uu sheegay inuu dalka Koonfurta Soodaan joogay mudo lix bilood ah, isla markaana markii mushkiladaasi soo waajahday bulshada Somaliland ee ku nool dalkaa oo ku filqan magaalooyinka iyo gobolada ay qaarkood qaateen baasaboorka Somalia oo ay Safaaradda ku sugan Jubba u dalabtay, wuxuuna sheegay in qaarkood iyagoo haysta Baasaboorkii Somaliland dalbadeen ka Somalia. kadib markii loo diiday in Fiisaha loo cusboonaysiiyo, halka qaar kalena ay qariyeen oo ay lasoo baxeen Baasaboorka Somalia si loogu fiiseeyo, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “hada waxa halkan guriga aan wada deganahay Siciid Yuusuf Ducaale oo Baasaboorkii Somaliland laga qaaday, iyadoo safaaradu sawir ka qaaday shalay,  waxaana loo balan qaaday in la siinayo Baasaboorka Somalia, waxaana lala balamay todobaad ka dib. dadka qaarkood way qariyeen Baasaboorkii hore ay u haysteen ee Somaliland markii loo diiday fiisaha  oo bishii mar lagu dhifto in loo cusboonaysiiyo.

Caasimada Jubba fiisaha marka laguugu dhifanayo 600 (lix boqol) oo lacagta Soodaan ah, taas oo u dhiganta $ 150 dolar, laakiin gobolada oo fiisihu yahay $ 100 dollar ayaa inta badan lagaga soo cusboonaysiistaa baasaboorada marka laga reebo wadamada qaar oo fiisaha lacag intaa ka yar laga qaado sida qofka sita Baasaboorka Ethiopia , markaa goboladii markii loo sheegay in Baasaboorada soomaalida qaarkood (Somaliland) sitaan la joojiyay waxay mushkilad ku noqotay muwaadiniin badan oo ka shaqaysta gobolada iyo kuwa caasimada jooga oo aan safar geli karin, mana hayno illaa hada wax jawaab ah oo xukuumaddayada Somaliland nooga yimi dhibatadiina sidii ayay u jirtaa ” ayuu yidhi.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa badhtamihii sanadkan u magcawday xafiiska Jubba ee Somaliland Axmed Xuseen Oomane oo hore u ahaan jiray  wasiirka kaluumaysiga, balse xafiiskaa ayaan weli ka hawl gelin dalka South Sudan, iyadoo aan laha warqabin halka uu ku danbeeyay masuulka loo magcaabay xafiiska la doonayay inay Somaliland ka furato halkaa. laakiin waxa jira warar arrintaa la xidhiidha oo sheegaya in kharashaadka xafiiska iyo xafiisyo kale oo iyagu  hore uga furnaa wadamo kale si gaara uu wasiirku isaga maamusho, isla markaan masuulka Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xafiiska Jubba uu Hargeysa ku suganyahay sababo dhaqaale awgood iyo wasiirka arrimaha debeda oo albaabada ka xidhtay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *