Qaybtii 2aad

Wadamadaasi gudbiyaan. Kadibna go’aan uga qaadanaya.  Qaar badan oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta aduunka, kuwa wadamada mashruucani ku jihaysan yahay iyo ganacsato u dhalatay dalalkaa, isla markaana waxa jira ismaandhaaf ka dhashay qorshayaal ay wateeen qaar ka mid ah shiradaha iyo ganacsatada wadamadaa qaarkood iyo masuuliyiinta ka taliyaa, kuwaas  oo hindisayaasha ay ku doonayeen inay kaga qayb galaan maalgashiga iyo qorshaha mashruucan ee Baanka Aduunku u shexeeyay maalgelintiisa is khilaafeen,

tusaale ahaan wadamada dhulkii ay ka talin jirtay dawladii Soomaaliya waxa uu Baanka Aduunku u qorsheeyay in Keybalka looga jiido dhinaca Magaalada Muqdisho, taas oo ay ganacsato u dhalatay dhinaca Somaliland dedaal ugu jirtay in dhinaca magaalada Berbera ee Xeebta Badda Cas loosoo mariyo, iyadoo dawlada Djabuutina danaynay in dalalka Ethopia iyo gebi ahaanba Soomalia dhinaca wadanka Djabuuti looga jiido Keybalka, Deegaanka lagu magcaabo Haramuus oo duleedka Lawyacado ee xuduuda Somaliland iyo Djabuuti ah, iyadoo doonay in halkaa la dhigo  xadhkaha  loo yaqaan ( Fibre  Optic) oo sida timaha oo kale ah, isla markaana xanbaarsan qiyaastii 320,  ama  640Gb/s, kuwaas   oo tobankii Tin   ama, dhawrkii  Tin (Fibre Optic)  lalinayaan in ka badan 10Gb/s, isla markaana loo qorsheeyay nidaamkaa  25 sannadood inuu cimrigiisu ahaado.

Mtunzini oo ku taala xeebta Bariga Koonfur Afrika ilaa Badda Cas ee Port Sudan oo ku taal Bariga Afrika oo lagu qiyaasay masaafo gaadhay 8.840km ayaa loo qorsheeyay in geeyo Keybalka laga soo jiiday Koonfur Afrika, kaas la doonayo in lagu xidho keybalka Badda ee Yurubta iyo Aasiya (European/ Asian Optic Fibre), iyadoo loo qorsheeyay siddeed wadiiqo, ama goobood   oo looga gudbiyo dhinaca Beriga oo loo calaamadiyay siddeed wadan, kuwaas  oo kala ah,  Mtunzini (South Africa), Maputo (Mozambique), Toliary (Madagascar), Dar-es-Salaam(Tanzania), Mombassa (Kenya), Mogadisho (Somalia), Djibouti (Republic of Djibouti), Port Sudan (Sudan) . Laakiin qorashihii loo calaamadiyay in Muqdisho looga jiido si gebi ahaanba dhulka Soomaalida loo gaadhsiiyo ayaan ilaa hada suurta gelin. Ka dib markii ay hadheeyeen murano la xidhiidha tartan shirkado ganacsi  iyo loolan, isla markaana ay soo waajaheen duruufaha ka jira Somalia ee dhinaca amaanka Berriga iyo Badduba,kuwaas  oo  ka hor imanaya shuruudaha qorshayaashaa maalgelinta Baanka Aduunka ee mashruucaa, iyadoo  ay  u dheertahay jiritaan la’aanta siyaasad isgaadhsiineed oo isku xidhan  iyo qorshe midaysan oo aan ka jirin gebi ahaanba maamulada ka jira Deegaamada Soomaalida iyo shirkadaha ka hawlgala oo aan buuxin waayay shuruudaha bilawga maalgashiga mashruucaa loo baahnaa.

Sidoo kale mudadii uu soo jiitamayay mashruucan  (EASSy), soo baxayay abaabulo kale oo ay ganacsato iyo qaar ka mid ah hogaaminayaasha geeska Bariga Afrika ku doonayeen inay kaga qayb qaataan qandaraasyada mashruucaa, kuwaas oo samaytay magacyo shirkado iyo Company aan hore u jirin, balse waxa suurta gal noqonweyday inay buuxiya an shuruudaha ku xidhan mashruucaa.   La soco…………….  

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *